4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 29, 2015
Xarakada Al-shabaab oo degmada Saakow ku toogtay xubno ay ku Eedeeyeen inay Jawaasiis yihiin


Isniin, Juun 29, 2015 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa Degmada Saakow oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ku toogtay gellinkii dambe ee shalay saddex ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayay hay’adda sirdoonka dalka Mareykanka ee CIA-da.

Saddexdan qof ee la toogtay ayay magacyadoodu kala ahaayeen; Max'ad Aadan Shuuriye, Maxamad Aadan Cusmaan iyo Mukhtaar Sh. C/raxmaan Sh. Maxamad ayaa la sheegay inay ahaayeen shabakad isku xiran oo u shaqeynayay ajnabiga.

Qaar ka mid ah saraakiisha Al-shabaab ayaa goobta dilku ka dhacay ka sheegay in saddex ruux ay ka dambeeyeen Qaarijinta Saraakiil Al-shabaab ka tirsan, kaddib markii ay u sah-leen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka inay duqeyn la beegsadaan.

Garsooraha maxkamadda Al-shabaab ayaa sheegay in raggan ay dambiyada lagu soo eedeeyay qirteen, ayna ka shaqeeyeen dilka saraakiil Al-shabaab ka tirsan oo kala ah; C/Shakuur iyo Yuusuf Dheeg.

Sidoo kale, garsooraha ayaa Saddexdan Ragga ah ku Xukumay dil toogasho, Taasoo ay ku fuliyeen xoogag ka tirsan Al-shabaab, waxaana goobta uu dilku ka dhacay la isugu keenay dadweyne fara badan si ay u daawadaan dilka.

Waxaa goobta toogashadu ka dhacay ka hadlay Guddoomiyaha Al-shabaab u Qaabilsan Gobollada Jubbooyinka, Sheekh C/raxmaan Xudeyfa, wuxuuna goobta ka sheegay in Alle uu mar walba u sahlo inay indhaha ka ridaan Jawaasiista.

Ugu dambeyn, Sheekh Xudeyfa ayaa fariin culus u diray Jawaasiista iyo cid walba oo isku dayda inay shisheeyaha la shaqeyso, isagoo xusay in la dhadhansiin doono waxay sharciga ka mutaan oo ah in fagaaraha la keeno, ayna ku dhintaan nolol xun oo aad u liidata.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya