4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 29, 2015
Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo isaga baxay Dugsiga Sare ee Degmada Afgooye oo Fariisin u ahaa


Isniin, Juun 29, 2015 (HOL) — Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia ayaa isaga ka guuray dugsiga sare ee Degmada Afgooye halkaasoo ay deggenaayeen saddexdii sano ee lasoo dhaafay, waxayna tani suuro-galisey in iskuulkaas dib loo furo.

Maamulaha Dugsiga sare ee Afgooye, Ismaaciil Sheekh Maxamed ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin tallaabadan uu qaaday maamulka cusub ee degmada Afgooye. Isagoo yiri. “Aad baan uga naxnay markii la xiray iskuulka oo ardeydii ay noqdeen kuwa kala tagay.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Afgooye, Cabdiqani Yuusuf oo isna Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in meesha aysan u imaan inay shirar jaraa’id qabtaan, balse ay xilka u qabteen in wixii loo igmaday ee baahida shacabka ah ay wax ka qabtaan, taana ay tahay waddada ay hadda ku taagan yihiin.

Muddadii uu iskuulka xirnaa illaa 500 arday ayay Waxbarasho la’aan ku dhacday sida uu sheegay maamulka iskuulka, kuwaasoo hadda rajadooda dib u soo laabatay rajadooda inay dib waxbarashadooda u billaabaan ah.

Iskuulkan ayay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM fariisin ka dhigteen iskuulkan markii ay degmada Afgooye kala wareegeen Al-shabaab muddo laga joogo saddex sannadood, iyadoo ka bixitaankoodan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ay iskuulkan ay kaga baxaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya