4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 28, 2015
Saraakiisha ciidanka Uganda ee AMISOM oo ka Warbixiyay Xaaladda Deegaanka Toora-Toorow


Axad, Juun 28, 2015 (HOL) — Saraakiisha Ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM ayaa ka Warbixiyay Xaaladda Deegaanka Toora-toorow, kaddib markii ay kala Wareegeen Al-shabaab horraantii bishan, iyagoo sheegay in Deegaankaan ay Saldhig weyn ku lahayd Al-shabaab, sida lagu sheegay Warbixin Axadda maanta ah lagu Daabacay Wargeyska New Vision ee kasoo baxa magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Saraakiisha Uganda ee hoggaaminaya ciidamadooda AMISOM ayaa jariidadda u sheegeen inay ka heleen Saldhigga ay Al-shabaab ku lahayd Toora-toorow Cunnooyin iyo Hub kala duwan.

Taliyaha guutada 15-aad ee ciidamada Uganda oo ah kuwii howlgalkan fuliyay, Col. Silvio Aguma ayaa laga soo xigtay in saldhigga ay Al-shabaab ka qabsadeen ay ka heleen noocyo kala duwan oo raashin ah oo ay ka mid ahaayeen 750-kg oo Sokor ah, 150-kg oo cusbo ah, 600-kg oo Qamadi ah, 900-kg oo Bariis ah, 550-liitar oo ah Saliida raashinka lagu karsado iyo Qori AK-47 ah iyo 41-xabo oo rasaas ah.

Al-shabaab ayay saraakiisha AMISOM sheegeen inay Tooratoorow oo deegaan u ah 5,000 oo qof ay u isticmaali jireen Saldhig ay Xoogaggooda ku Tababaraan, iyagoo kusoo Rogay Canshuur beeraleyda iyo xoolaleyda deegaankan ku noolaa, sida warbixintan lagu sheegay.

Sidoo kale, saraakiisha Uganda ayaa intaas ku daray in Al-shabaab ay sidoo kale xeradaan u isticmaali jireen goob ay kasoo duulaan, gaar ahaan marka beegsanayaan gaadiidka mara Waddada isku Xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Sh. Maxamed Nuur (Siiddii) ayaa isna sheegay in Howlgalkan la fuliyay iyadoo la kaashanayo Qaar ka mid ah Waxgaradka deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan degmada Qoryooley.

“Kaddib markii la xoreeyay deegaanka xaaladdu waxay kusoo noqotay sidii caadiga ahayd. Dadku si Caadi ah ayay isku dhex-socdaan. Waxay dib u billaabeen Ganacsigoodii, iyagoo u kala adeegta si xornimo leh,” ayuu yiri C/qaadir Siiddii.

Warbixinta ayaa lagu xusay in toddobaadkan uu booqday deegaanka Sam Kavuma oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Uganda ee AMISOM ka tirsan, isagoo shacabka Toora-toorow kula hadlay goob fagaare ah, Halkaasoo Khudbadda kaddib ay shacabku kusoo bandhigeen ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka ah.

“Toora-toorow Waxay ahayd Goob ay Al-shabaab degenaayeen tan iyo markii laga saaray Muqdisho iyo Deegaanno ay ka mid tahay Degmada Afgooye, iyadoo u ahayd Goob ay ka soo qaadaan duullaannadooda. Markii aan kala Wareegaynay deegaanku wuxuu ahaa mid cidlo ah oo aysan aysan cidna joogin; taas waxay ku tusaysaa sida ay awood ahaan daciifka u yihiin,” ayuu yiri Brigadier Kavuma.

Dhanka kale, Col. Aguma oo ka tirsan AMISOM ayaa isaguna sheegay in AMISOM ay sii wadayso howlgallada ay ku doonayso inay Al-shabaab deegaanno kale oo ay weli gacanta ku hayaan uga xoreyn lahayd, goobahaas oo uu xusay inay dadka ku nool u diideen inay si xor ah u dhaq-dhaqaaqaan.

Inkastoo bulshada ku nool deegaanka ay soo dhaweeyeen Nabad-galyada ay markii ay soo gaartay AMISOM, ayuu hadhana Cumar Cismaan oo ka mid ah shacabka Toora-toorow ku nool wuxuu hay’adaha calaamiga ah ka dalbaday inay Bulshada deegaanka Caawiyaan, si Shacabku u helo adeegyada aasaasiga ah ee u baahan yihiin.

“Halkan kama jiraan isbitaallo. Waxbarasho ma jirto. Masaajiddo ma jiraan. Dhamaantood waxaa burburisay Al-shabaab. Waxay eryeen culummadii deegaanka iyagoo keeenay wiilal dhallinyaro ah. Sidoo kale Waxay keeneen Dad aanan Aqoon u lahayn. Xitaa ma Awoodin inaan luuqaddooda fahanno. Waxayna burburiyeen dugsiyadii lagu baranayay Qura’aanka Kariimka,” ayuu yiri Ugaas oo ka mid ah dadka deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa deegaanka Toora-toorow oo ku dhow deegmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellada Hoose kala Wareegay Al-shabaab 12-kii bishan Juun.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya