4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 28, 2015
Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta oo Raashin Afur ah Gaarsiisay Qoysas Danyar ah (SAWIRRO)


Axad, Juun 28, 2015 (HOL) — Hay’ada Bisha Cas ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta raashin afurin ah u Qaybisay Qoysas dan-yar ah oo ku nool degmada C/casiis ee Goblka Bannaadir. Deeqdan afurinta ah oo ahayd raashin bisil ayay Bisha Cas ee UAE ugu talo-gashay qoysas badan oo ku nool degmooyinka Caasimada Muqdisho.

Goobta lagu qaybinayay afurka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Cali Cabdul Daacad oo hay’adda u soo wakiilatay qaybtan deeqdan iyo gudoomiyaha degmada C/casiis, Cusmaan Muxyadiin Cariif.

Waxaa goobta ka hadlay wakiilka bisha cas ee Imaaraadka Cali Cabdul oo tilmaamay in barnaamijkan uu qayb ka yahay macaawino ay dowladda Imaaradaka ugu talo-gashay inay ku caawiso dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan macaawinada noocan oo kale ah.

Sidoo kale, Wakiilka ayaa hadalkiisa ku daray inay bisha cas ee Imaaraadka ay sidan oo kale u siiyeen sannadkii lasoo dhaafay qoysas ku tabaaleysnaa Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka Soomaaliya.

Dhanka kale, guddoomiyaha maamulka degmada Cabdicasiis, Cusmaan Muxyadiin ayaa isagana ka mahadceliyay deeqda afurinta ah ee lasoo gaarsiiyay degmadiisa , isagoo xusay in ay ugu faa’iideeyeen qoysaska ugu liita.

Ugu dambeyn, Qoysaskii ka faa’ideystay raashinka bisli ee afurinta ah ayaa ugu mahad-celiyay kaalmooyinka ay mar walba la garab-taagan yihiin bisha cas ee Imaaraadka dadka ku tabaaleysan degmooyinka gobolka Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya