4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 28, 2015
Tartamada Koobka Kubadda Cagta ee Heerka 1-aad oo ka Furmay Magaalada Buuhoodle (SAWIRRO)


Axad, Juun 28, 2015 (HOL) — Kooxaha Ciyaaraha heerka koowaad oo ka dhisan degmada Buuhoodle ayaa waxaa u furmay Tartan ciyaareed aad u xiiso badan kaasoo inta uu socdo ay isku arki doonaan toddoba kooxood oo ah kooxaha degmada Buuhoodle.

Garoonka Kubbadda Cagta ee Xabaddo Stadium oo ku yaalla badhtamaha degmada Buuhoodle ayaa tartankani si toos ah uga furmay; waxaana cayaartii koobaad ee koobkan isku arkay Naadiga Suweeto iyo SYL.

Wasiirka Arrimaha Bulshada Maamulka Khaatumo, Faarax Cadde Faarax ayaa si rasmi ah u furay tartan ciyaareedkan oo loogu magac-daray koobka Ramadaanta waxaana uu naadiyada dheelaya u rajeeyey inay nabadgelyo ku dhamaystaan tartankan.

Intaas kaddib waxaa la guda-galay ciyaarta koowaad ee koobka waxaana guushu 1-0 ay ku raacday kooxda SYL, halka ciyaarta labaadna aya wada ciyaarayaarayaan kooxaha Hilaal iyo Darwiish.

Tartanka ciyaaraha ee herka koowaad ayaa sanad walba la qabtaa magaaladda Buuhoodle iyadoo dadka dgaankaasina ay aad u xiisyaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool