4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 28, 2015
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya oo Mar kale looga yeeray Baarlamaanka FS

Axad, Juun 28, 2015 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa si wax looga weydiiyo arrimaha la xiriira Xuduudaha iyo Nidaamka Federaalka. Iyadoo gudddoonka baarlamanka la sheegay inay ku wargeliyeen wasiirka inuu horyimaado baarlamaanka.

Wasiirka ayaa horay looga yeeray baarlamaanka Soomaaliya, xilligasoo ay socotay dooddii mooshinkii laga keenay baarlamaanka Jubbaland oo ay xildhibaannada BFS codka Aqlabiyadda ah ku Ansixiyeen.

Odawaa ayaan xiligaas ku maqanaa degmada Cadaado oo uu u joogo dhismaha maamulka Galmudug oo qaybihiisii hore la dhameystiray, isagoo markaas golaha ka dalbday in dib loogu dhigo dalabka loogu yeeray.

Kulankii maanta ee baarlamaanka Somalia uu ku yeeshay Muqdisho ayaa waxaa hor-yimid Wasiirka Cadaaladda, C/llaahi Axmed Jaamac (Ilka-Jiir), iyadoo ay su’aalo ku saabsan garsoorka iyo qaab dhismeedka golaha adeega garsoorka ay weydiiyeen xildhibaannada baarlamaanka Somalia.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa la sheegay inay wasiirka ka dalbadeen in dib u eegis lagu sameeyo Guddiga Madaxa-banaan ee garsoorka, kaasoo ka mid ahaa gudiyo ay golaha Wasiirradu dhawaan meel-mariyeen.

Ugu dambeyn, baarlamaanka ayaa maalmihii u dambeeyay loogaga yeerayay qaar ka mid ah Wasiirrada Xukuumadda, kuwaasoo su’aalo laga Weydiinaya Howlaha ay hayaan, iyadoo tallaabadaan ay qayb ka tahay la xisaabtanka Xukuumadda Federaalka Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya