4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 28, 2015
Ciidamada AMISOM oo Maanta Dib ugu laabtay Saldhigga Leego oo ay dhawaan Weerartay Al-shabaab

Axad, Juun 28, 2015 (HOL) — Ciidamada AMISOM ayaa dib u qabsaday saldhiggii ay Jimcihii lasoo dhaafay ku weerartay Al-shabaab, kaasoo lagu dilay tiro badan oo ka mid ah ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi.

Warar laga helayo deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM oo wata gaadiidka dagaalka ay dib u galeen xerada maanta barqadii, halkaasoo uu ka muuqdo burbur ay u geystay Al-shabaab.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in ciidanka AMISOM ay wehliyeen kuwo ka tirsan dowladda Somalia, kuwaasoo iyana fariisin ka sameystay meel aan ka fogeyn xerada askarta badan looga dilay AMISOM.

AMISOM ayaa ka gaabsatay inay sheegto tirada ciidamada lagu dilay weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday saldhiggan, balse afhayeenka Millateriga Burundi, ayaa u sheegay warbaahinta shalay oo Sabti ahayd in weerarkaas looga dilay 50-askari.

Dhanka kale, shacabka ku nool deegaanka Leego ayaa sheegaya inaysan wax iska-caabin la kulmin ciidamadii maanta dib ugu laabtay xeradii ay Al-shabaab Jimcihii ku weerartay ayna si nabadgalyo ah ku daggan yihiin.

Xarakada Al-shabaab ayaa iyaduna shalay sheegtay inay gacanta ku hayso maydadka 60-askari oo ka tirsan ciidamadii lagu dilay weerarkii ay ku qaadeen saldhigga Leego ee ciidamada AMISOM.

Ugu dambeyn, Weerarkan oo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee AMSIOM lagula beegsado gudaha Somalia muddo sannado ah ayay sheegtay Al-shababa in guuto ay ugu magic-dareen hoggaamiyahoodii hore ay fulisay Weerarkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya