4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 28, 2015
XASAN SHEEKH: Waxaa Naga Go'an Hir-gelinta Hiigsiga 2016-ka Mana Jirayso muddo Kordhin


Axad, Juun 28, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa mar kale ku celiyey in dowladdiisa ay ka go’an tahay in Somalia ay doorasho ka dhacdo Sannadka 2016-ka, isla markaana la dedejiyo hawlaha la xiriira barnaamijyada Hiigsiga 2016-ka.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabad uu afur ah oo madaxtooyada ugu sameeyay xubnaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee uu ka tirsan yahay; isagoo xusay in lixdii tiir ee dowladdiisa ay balan-qaadday doorashada 2012-ka ay wax badan ka qabsoomeen, wax kalena ay dhiman yihiin.

“Waxaa dowladda Somalia ay ku talaabsatay horumar dhinacyada la dagaallanka musuqmaasuqa, fidinta maamulka, maamul wanaagga iyo in dalka loo diyaariyo isbeddelo siyaasadeed oo ka dhaca 2016, kuwaas oo qeyb ka ah barnaamijka Hiigsiga 2016. Hawlo kale oo badan ayaa inoo harsan, maadaama uu dalku ka soo kabanayo colaado sokeeye, una baahan yahay dib u dhis’,’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxaa kaloo uu Madaxweynaha sheegay in baarlamaanka Somalia uu dhawaan guda-geli doono ka doodista Sharciga Asxaabta Siyaasadda dalka, isla markaana dhamaan xisbiyada haatan jira oo PDP ay ka mid tahay ay raaci doonaan nidaamka dastuuriga ee diiwaan gelinta Asxaabta siyaasadda marka sharci ahaan loo meel mariyo.

Ugu damheyn, Xsan Sheekh ayaa ku booriyay xubnaha Xisbiga inay sii howlahooda sii laba-jibaataan, ayna kaalin ka qaataan howlaha lagu doonayo in dalka doorasho lagu gaarsiiyo sannadka 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya