4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 28, 2015
Gudoomiyaha baarlamanka Galmudug oo sheegay inay wadahadal la furayaan Ururka Ahlusunna


Axad, Juun 28, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir oo markii ugu horreysay la hadlay Warbaahinta ayaa sheegey inay Wadahadal la galayaan maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo haatan gacanta ku haya Magaalada Dhuuso-mareeb oo lagu wado inay noqoto Caasimadda maamulka Gobollada Mudug iyo Galguduud.

Casir oo Wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in wax kasta lagu dhameyn doono wada-hadal, wuxuuse qiray inay hortaalo hawl-adag oo u baahan mas’uuliyad iyo in wax loogu qabto bulshada ku nool Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.

“Runtii Howl cuslus ayaan xambaarnay aniga iyo ku xigeennadayda, taasoo aanu wax ugu qaban doono Shacabka Gobollada dhexe oo dhibaatooyin badan soo maray, balse hadda diyaar u noqday inay dhistaan maamul,” ayuu yiri Casir.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa xusay in howsha hadda hortaalla ay tahay doorashada madaxweynaha maamulka, si uu xukuumadii la qaban lahayd howsha uu u soo dhiso.

Guddoomiyaha oo la su'aalay inuu filayo inay doorashada madaxweynaha ku dhici doonto ayaa ku jawaabay inuu filayo inay ku dhici doonto si cadaalad ah, maadaama guddoonka baarlamaanka la doortay xilli xildhibaanno kaliya jiraan.

Waxaa kaloo la weydiiyay mowqifkooda ku aaddan Ahlsuunna Waljamaaca oo gacanta ku haysa degmada Dhuuso-mareeb oo xarunta maamulka ah, isgaoo sheegay inay wax walba ku dhameyn doonaan wadahadal iyo is-afgarad.

“Rabitaanka Shacabka Mudug iyo Galguduud ayay ku Xiran Tahay Galka ay Caasimaddu noqonayso, mana ahan in Dhuuso-mareeb oo keliya ayaa noqonaysa la yiraado meel walba oo ay shacabku doortaan ayaa noqonaysa,” ayuu mar kale yiri Cali Gacal Casir.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Baarlmaaanka Galmudug oo shalay la doortay ayaa sheegay in Ahlusunna ay ka mid tahay shacabka deggen gobollada Galguduud iyo Mudug, uuna rajeynayo inay wadahadal aqbali doonaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya