4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 28, 2015
SAWIRRO: Isbitaalka KAAMIL oo ku Guuleystay Qaliinno Madaxa, Neerfaha & Laf-dhabarka ah


Axad, Juun 28, 2015 (HOL) —Isbitaalka Kaamil oo ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa ku Guuleystay Qalliinno uu Maskaxda iyo Neerfaha kaga sameeyay Bukaanno ay Rasaasi madaxa kaga dhacday, qalliinadaas oo inta badan aan laga helin Somalia.

Agaasimaha isbitaalka Kaamil, Dr Aadan Jaamac Muuse oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay inay ku guulaysteen in bukaanno badan ay qaliinno dhinaca Neerfaha Madaxa ah ku sameeyaan, isla markaana qaarkood ay maskaxdooda bannaanka ku soo daadatay; dadaal ay sameeyeen kaddibna uu rabbi dadaalkoodii ku guuleeyay ayna bukaannadaasi caafimaadeen.

Sidoo kale, Dr Aadan Jaamac oo ka warbixinayey cudurada lagu daweeyo Kaamil Hospital ayaa sheegay inay ka mid yihiin; cudurrada Wadnaha, Sambabada, kuwa Haweenka sida dhalmada, Qaliinka ilmo-galeenka, cudurrada Neerfaha iyo qaliin-koodaba, cudurrada guud, Cudurrada Biyaha madaxa-gala ee Madaxweynaadka keena iyo weliba daaweynta guud. Wuxuuna intaas ku daray in isbitaalka uu yaallo qalab casri ah sida; Scan-ka Guud, Midka lagu Ogaado Cudurrada xididada dhiigga-raaca iyo weliba qalabka Scan-ka Casriga ah ee (Ulcra Sound).

Dhinaca kale, Bukaanka Qaliinnada kala duwan lagu sameeyay ayaa ka warbixiyay xaalad-dooda caafimaad, iyagoo sheegay inay dareemayaan caafimaad wanaagsan, kaddib markii qalliinno looga sameeyay madaxa iyo qaybaha kale ee jirka.

Waa markii ugu horreysay oo dhakhaatiir dhinaca cudurrada madaxa-gala ah sida; neerfaha iyo cudurrada wadnaha qaliin ku sameeya ay Soomaaliya yimaadaan, isla markaana howlo qaliino ah ay ka sameeyaan; iyadoo Isbitaalka Kaalim ay ka howl-galaan dhakhaatiir wata takhasusyo kala duwan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya