4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 28, 2015
Waxgarad, Culumo iyo Siyaasiyiin dadaal ugu jira xallinta Xiisadda u Dhexeysa Ciidamada Puntland


Axad, Juun 28, 2015 (HOL) — Odayaal-dhaqameedyo uu Hoggaaminayo, Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa gaaray tuulada Qarxis ee gobolka Nugaal, halkaasoo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Puntland iyo askar ka gadooday oo uu horkacayo taliye ku xigeenkii hore ee ciidamada Puntland, Jen. Muxyadiin Axmed Muuse.

Waxgaradkan oo ay sidoo kale la socdaan culummaa’uddiin iyo siyaasiyiin ayay ujeed-dadoodu tahay inay ka hortagaan inuu dagaal dhoco isla markaasina daddaal u geli doona qaboojinta xaaladda cakiran ee labada dhinac u dhaxeysa.

Xubnahan wafdiga ah ayaa waxay la kulmeen saraakiisha hoggaaminaya ciidamada is-horfadhiya, iyagoo kala hadlay in marka hore fursad la siiyo wadahadalada si loo dajiyo xiisadda haatan ka dhex-oogan.

Jen. Muxyadiin Axmed Muuse iyo ciidamo uu hoggaaminayo ayaa ka gadooday maamulka Puntland kaddib markii madaxweynaha Puntland uu xilkii ka qaaday Jeneraalka oo ahaa taliye ku xigeenka Booliiska Puntland.

Sidoo kale, Jen. Muuse oo shalay hadlay ayaa sheegey in sababta gadoodka aysan ahayn xil-ka qaadista, balse tahay iyagoo xuquuqdoodii iyo mushaaraadkooda ka waayay maamulka Puntland 15-kii bilood ah ee lasoo dhaafay, ayna doonayaan in ay helaan xuquuqaadkoodii.

Ugu dambeyn, Maamulka Puntland ayaa dhankooda xusay inaanan loo dulqaadan doonin cid carqaladeysa ammaanka, haddana ay fursad siinayaan Waan-waanta lagu doonayo in arrimaha taagan lagu dhameeyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
Maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya