4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 27, 2015
BURUNDI: Weerarkii ka dhacay Somalia Waxaa nooga Dhintay Tiro ka badan Konton Askari


Sabti, Juun 27, 2015 (HOL) — Dowladda Burundi ayaa sheegtay in tiro ka badan 50-askari looga dilay weerarkii ay xoogag ka tirsan Xarakada Al-shabaab shalay oo Jimco ahayd ku qaadeen xero ay ciidanka AMISOM ku laahaayeen deegaanka Leego oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Afhayeenka ciidamada Dalka Burundi, Jen. Gaspard Baratuza ayaa Warbaahinta Maanta ugu sheegay magaalada Bujumbura in Tiro ka badan 50-askari oo ciidamadooda ah lagu dilay weerarkaas, isagoo xusay inay jiraan kuwo kale oo dhaawac ah, balse dhimasho ay badnayd.

“In ka badan 50 askari oo ka mid ah ciidamadeenna ka howlgala Soomaaliya ah ayaa lagu dilay weerarkii dhacay Jimcihii shalay, waxaana tiro kale oo dhaawac ah,” ayuu yiri Jen. Gaspard Baratuza.

Xarakada Al-shabaab oo mas’uuliyadda weerarkan sheegatay ayaa bayaan ay soo saareen maanta oo Sabti ah waxay ku sheegeen inay gacanta ku hayaan maydadka 60-askari oo ka mid ah kuwii ay shalay ku dileen saldhigga AMISOM ee Leego.

Al-shabaab ayaa intaas raacisa inay jiraan ciidan nool iyo kuwo dhaawac ah oo gacantooda soo galay, inkastoo aysan weli soo bandhigin, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii labaad ee ugu khasaaraha badnaa ee ciidamada ka socda dalka Burundi kasoo gaara howlgalka ay u joogaan Somalia.

Dhanka kale, weerarkan ayaa waxaa si adag u cambaareeyay dowladda Somalia, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, iyadoo Wakiilka ururka Midowga Afrika ee Somalia, Maman Sidikou uu sheegay in Weerarkaas looga Dilay Askar, Inkastoo uusan cayimin tiradooda.

Ugu dambeyn, ciidamada Midowga Afirka ee Somalia – AMISOM, ayaa waxay ka saareen Al-shabaab deegaanno badan dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo Al-shabaabna ay ku wadday ciidamadan weerarro gaadmo ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya