4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 27, 2015
AL-SHABAAB: Waxaan haynaa Maydadka Askar badan oo ka tirsan Ciidamada Burudni ee AMISOM

Sabti, Juun 27, 2015 (HOL) — Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay inay gacanta ku hayso madadka askar badan oo ka mid ah ciidamada waddanka Burundi ee AMISOM, kuwaasoo shalay lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Leego, kaddib markii ay Al-shabaab weerar ku qaadday.

Qoraal ay soo saartay Al-shabaab ayay ku sheegtay inay gacanta ku hayaan 60 ka mid ah maydadkii ciidamada AMISOM ee ka socday dalka Burundi oo shalay lagu dilay weerarkii Leego.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa sheegtay in Dagaal-yahanadii qaaday weerarkii Leego ay ka tirsanaayeen guuto loogu magac daray Hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Sh. Abu-Zubeyr, kaasoo Sannadkii hore lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha duliye la’aanta ah ee Mareykanka ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warbixinta Al-shabaab ay soo saartay ayay xustay in guutadan ay mar walba u taagan yihiin burburinta AMISOM, waxaa kaloo ay sheegtay in guutadan ay yihiin kuwii khasaaraha u geystay ciidamada Itoobiya ee ka midka ah AMISOM oo labo toddobaad ka hor lagu weeraray deegaanka Jameecada ee Gobolka Bay.

Xarakada Al-shabaab ayaa intaas ku dartay in weerarkii shalay lagu billaabay Qarax gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo illinka xerada lagu dhuftay, kaddibna ay gudaha u galeen xoogaggooda xerada; kuna laayeen askar badan oo AMISOM ka tirsan.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in khasaare xooggan la gaarsiiyay ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi, isagoo xusay in 18 ka ka mid ah maydadka askarta Burundi la geeyay deegaanka Farsooley oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu dambeyn, Weerarkan ay shalay Al-shabaab ku qaadday Xerada AMISOM ee Leego ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee ciidamada AMISOM loogu geysto gudaha Somalia muddo sannooyin ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya