4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 27, 2015
Xasan Sheekh oo Shacabka Jabuuti ugu Hambalyeeyay Xuska 38 Guurada kasoo Wareegtey Xoriyadooda

Sabti, Juun 27, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan sannadguuradii 38-aad ee kasoo Wareegtey Xornimada dalka Jabuuti u diray Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhamaan shacabka Jabuuti meel kasta oo ay joogaan.

“Waxaan walaalaheena reer Jabuuti la qeybsaneynaa xuskan qiimaha leh iyo farxadda sannad-guurada 38-aad ee Xornimada. Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan ummadda Soomaaliyeed waxaan idin soo gudbinayaa hambalyada xafladdan, waxaana shacabka reer Jabuuti u rajeynayaa horumar, midnimo iyo barwaaqo inay ku noolaadaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Jabuuti ay ka dhalaashey kaalinteeda walaaltinimo iyo derisnimo si ay u caawiso Soomaaliya, isagoo intaa ku darey in shacabka Soomaaliyeed aaney taasi marnaba ilaabi doonin.

‘’Shacabka iyo dowladda Jabuuti waxay inoo qabteen wax weyn, dadaal dheerna waxay u galeen sidii aan uga bixi lahayn colaadihii iyo xasaradihii waddankeena ka aloosnaa, welina dadaalkaasi way wadaan. Reer Jabuuti si hagar la’aan ah ayay walaalahooda dhibaateysan ee Soomaaliya uga warqabeen, uguna soo gurmadeen, abaal aan la iloobi karin ayaan uga haynaa dadaalkaasi iyo geesinimada ay inoo muujiyeen’’.

Ugu dambeyn, wuxuu xusay madaxweyne Xasan inuu u rajeeyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka reer Djibouti in xuskan kiisa xiga ay ku gaaraan caafimaad iyo barwaaqo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya