4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 27, 2015
Cali Max'ed Cali oo noqday Qofkii ugu Horeeyay oo Soomalia ah oo Qaata Dhalashada Shiinaha


Sabti, Juun 27, 2015 (HOL) — Waxaan ku dhashay magaalada Muqdisho sanadku markuu ahaa 1968-dii ,aabahay waxa uu ahaa dhaqtar ku taqasusay cilmiga indhaha ,kaasi oo wax ku soo bartay dalka Talaayinga ,xiligaas Soomaaliya waxaa xukumayay madaxweynihii geeriyooday ee Maxamed Siyaad Barre.

Dhamaanteen waxaan haysannay daryeel caafimaad iyo waxbarasho bilaash ah, balse waxa adkayd xoriyadda hadalka si kasta oo ay ahaataba Soomaalia waa meel wanaagsan oo ku haboon in lagu nalaado.

Markii aan dhameeyay dugsiga sare waxaan aaday magaalada Delhi ee dalka Hindiya si aan u soo barto cilmiga Caymiska ,markii aan ku soo laabtay Somalia waxaa durbiiba dalka ka dhacay dagaalkii sokeeye oo ahaa mid khasaare badan gaystay.

Soomaaliya waxa ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika waliba mid ka weyn tan ku taala dalka Koonfur Afrika ,qoyskaygu waxa ay bilaabeen in ay ka ganacsadaan cuntadda badda,waxaan gadi jirnay Aargoosatada ,taasi waxa ay keentay inaan u soo wareego Imaaraadka Carabta.

Isbad-badalka waqtiga iyo cimilada ayaa kaluumaysiga ka dhigay mid aad u adag sida darteed waan ku guul-daraysannay ka ganacsigeeda ,waxaana shaqadaydi u badashay inaan ka shaqeeyo logistig-ga.

Galbeedku ma wanaagsana;

Waxaa ila dhashay shan gabdhood iyo afar wiil dhamaantood waxay kala joogaan daafaha adduunka sida London ,Norway,Canada , markii aan booqday Familkayga dibadda jooga isla markaana aan arkay shaqooyinka ay hayaan oo u badnaa darawalnimo iyo waardiye, waxaan go’aansaday in aanan xiisahayga siinin Galbeedka

Go’aan ayaan ku gaaray inaan aado Bariga oo ay ka jiraan fursado aad u badan kaddib muddo shan sano ah oo aan ku qaatay Dubai ,shirkaddii aan u shaqaynayay ayaa uga baahatay Hong Kong qof masuul uga noqda ganacsigooda Afrika ,waana ka faa’idaystay fursaddaas ,waxaana ay shirkaddu i dajisay Hotel caalami ah.

Sanadkii ugu horeeyay waxaan ku noolaa magaalada Chungking macaamiishaydu waxa ay ahaayeen Soomaalida ka soo jeedda Kenya ,kuwaasi oo Hong Kong u imaan jiray in ay ka rartaan badeecadaha Shiinahu uu farsameeyo.

Waxaan Helay Turjamaan-nimo;

Waxaan ahay qofka kaliya ee jooga Hong Kong hadana ah tarjumaanka ka ah, ilaa qiyaastii 70 qof oo Soomaali ah ayaa ku nool magaalada aan joogo marka aniga la iga reebo intooda kale waa qaxooti magan-galyo doon ah.

Tan iyo sanadkii 2003-dii waxaan caawinayay qof kasta oo Soomaali ah, kaasoo la soo xiriira booliska, maxkamadaha iyo waliba laanta socdaalka. Somalia waa wadan fashilmay sidaa darteed dadku waa ay ka qaxayaan marka waa inaan tarjumaa qisooyinkooda. Dadkan badankood waxa ay ka soo carareen cunsuriyaynta qabiilada iyo kooxaha argagaxisda ah sida Al-shabaab.

Waa laga yaab in dad badan aysan igu raacin ,balse Hong Kong waaa meel u wanaaagsan qaxootiga ,waadna la socotaa in qaar kamid ah wadamada ku yaalla qaaradda Asia inaysan ixtiraamin Qaramada Midoobay sida Thialand iyo Malaysia.

Haddii Hong Kong booliska aad tusto cadaymo muujinaya inaad tahay magan-galyo raadis wey ku ixtiraamayaan, inkastoo ay aad u yartahay dowladadaha arintan oo kale sameeya hadana wey ka jirtaa halkan.

Baasaboor Cusub;

Sanadkii 2009-ka ayaan noqday muwaadin Shiinays ah ,waxaan ahay qofkii ugu horeey oo Soomali ah oo noqda Shiinays ,taasi waa waxa ay safaaradda Somaaliya ee Bejing ii sheegtay ka dib markii aan dib ugu celiyay baasaboorkaygi.

Waxaan xareeyay inaan helo dekumentiyada dal kusoo galidda, taasoo dadka ku dhaqan magaalooyinka Macau iyo Hong kong u ogolaanaysa in ay ku soo galaan Mainland  si fuud ,waxaan helay ogolaanshaha daganaanshiyaha ,dadku waxa ay ka aamisan-yahiin in ay tahay wax adag. Runtii ma sahlana inaad ku safarto baasaboor Soomaaliga.

Koonfurta Shiinaha waxaan ku arkay qoraalo badan oo waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ku sheegaya in ay yihin cunsuriyiin ,sababtoo ah dad isugu jira Afrikaan iyo Hindi ayaa laga diiday fiisooyooyin ,aniga isoo fiiri ma ahi Shiinaysa ,kuma hadlo luuqadda Mandarin ,balse waxaan haystaa baasaboor.

Waxaan aaday Waddanka Canada sarkaalkii joogay laanta socdaalka aad ayuu u fiirinayay waraaqahayga aqoonsiga isaga oo dhahaya la yaab-la yaab waliba seddex jeer ,maadaama aan ahaa qofki ugu horeeyay oo haysata dekumentiyada noocaan oo kale ah.

Xiriir Qoto Dheer;

Waxaan aqaannay xaaskayga noloshayda oo dhan ,waxaan ku soo wada  kornay isku xaafad ,waxaana aan wada dhigannay dugsiga hoose si wada jir ah ,waxaan iyada ku guursaday Indonosia sanadkii 2003-dii.

Ma guursan karin gabar Shiinays ah, inta badan ragga Soomaalida ah waxay guursadaan gabar Somali ah. Naciimo waxay in badan igula noolayd Hong Kong, balse xiligan waxa ay joogta Canada oo qoyskeeda oo dhami ay ku nool-yihiin.

Hadda waxa ino jooga labo caruur ah wiil iyo gabar ,waxa ay isoo booqdeeen maalmahii fasaxa sanadka cusub ee Shiinaha gaar ahaan xiliyada la xiro warshadaha ,mararka qaar waxaan aadaa Canada si aan waqti ula soo qaaato iyaga, waana inaan si wadajir ah u noolaanno , ma jirto cid nakala gayn karta.

Markii Fursaddu ay albaabkaada soo gaarcdo;

Kor u kaca burcad badeedda waxa ay ka dhigantahay in ganacsigu adkaanayo, haddase waxaa jira xooga hormar dhinaca amniga ah oo ka jira Afrika , hadda Shiinaha waa uu bilaabaya bixinta baasaboorada qof kastana waa uu heli karaa Vise sida caadiga ah waxaan ahay Soomaali,waxaan aadi karaa meel kasta oo ay fursadi ka jirto ,Hadii Vitnam ay ka fiicnaato Shiinaha iyada ayaan u wareegayaa.

Waan u xiisaa Hong Kong iyada iyo waliba xoriyaddeeda ,sanadkii 2010-ka hal saac iyo bar ayey igu qaadatay inaan diiwaan-galiyo shirkaddayda , miyaan aadi karaa London oo ka hirgalin karaa shirkad ka shaqaysay Logistics-ka si fudud?  Waan hubaa in dalal badan ay I dhihi lahaayeen kani waa qaxooti.

Dhinaca diinta waxaan ahay qof muslim ah waxaan ku tukadaa  masjidka Kalwoon, mararka qaar dadka ku nool magaalada Sham Shui Po wax ay igu dhahaan waa xiligii aad salaadda tukan lahayd ,mararka qaar waxey kaloo igula kaftamaan ilaahaaga manoo weydiinaysaa in ganacsiyadeena uu noo barakeeyo.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]