4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 27, 2015
Danjire Nicholas Kay oo Cambaareeyay Weerarii ay Al-shabaab ku Qaadday Ciidamada AMISOM

Sabti, Juun 27, 2015 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee arimaha Somalia, Danjire Nicholas Kay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ay Al-shabaab ku Qaadday saldhig ay ciidamada AMISOM ku laahaayeen deegaanka Leego ee Gobolka Sh. Hoose, weerar-kaasoo ay ka dhasheen khasaare xooggan.

Weerarkan oo ay qaaday Al-shabaab ayaa la sheegay in lagu dilay afartameeyo ka tirsan ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi, iyadoo lagu gubay gaadiid ay lahaayeen, saanad ciidanna looga furtay.

“Halkan waxaan tacsi uga dirayaa ehellada Askartii naftooda ku waayay Weerarkii lagu qaaday saldhigga AMISOM ee Leego, Ciidanka AMISOM waxay Soomaaliya u joogaan dib u soo celinta Xasiloonida iyo nabad Somalia,” ayuu yiri Danjire Kay.

Sidoo kale, wakiilka ayaa mar kale yiri. “Taageerada aan siinno Ciidanka AMISOM iyo ciidamada dowladda Somalia waa mid muqadas ah, waxaan kaloo taageersan-nahay howlgalka wadajirka ah ee ay Somalia looga Xoreynayaan Argagixisada Al-shabaab, si dalka loogu soo dabaalo xasilooni iyo nabad waarta.”

Ugu dambeyn, ergayga ayaa xusay in weerarka Al-shabaab uu ahaa mid carqala ah oo looga soo horjeedo nabadda Somalia, isagoo ku tilmamaay weerar fulaynimo ah oo aan lagu gaari doonin ujeeddooyinka laga leeyahay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya