4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 27, 2015
Xildhibaanada Baarlamaanka GALMUDUG oo Doortay Guddoomiye & Guddoomiye ku Xigeeno


Sabti, Juun 27, 2015 (HOL) — Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ayaa u doortay guddoomiyaha baarlamaanka, Cali Cumar Casir, isagoo kaga guuleystay wareeggii labaad ee doorashada murashaxii la tartamayay, C/llaahi Xuseen Maalin Gaafoow (Asparo).

Guddoomiyaha la Doortay ayaa 48-cod, Halka Murashaxii la Tartamayay uu ka helay 36-cod, Waxayna Doorashadu ahayd mid u dhacday si Qarsoodi ah, iyadoo Xildhibaannada codeynayay ay tiradoodu ahayd 84-xildhibaan.

Natiijada doorashada ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Galmudug, isagoo xusay in guddoomiyaha baarlamaanka cusub ee Galmudug loo doortay Cali Cumar Casir.

Afhayeenka loo doortay Baarlamaanka Maamulka GALMUDUG, Cali Cumar Casir ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1960-kii, isagoo ka mid ahaa xildhibaannadii baarlamaankii KMG ahaa ee dowladdii uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ku guuleystay, Xareed Cali Xareed, isagoo ka guuleystay musharixintii kula tartamayay xilka oo kala ahaa; Maxamed Xasan Xuseen iyo C/llaahi Xirsi Maxamed.

Xareed Cali ayaa helay 58-cod, sidoo kale Maxamed Xasan Xuseen uu helay 21 cod, halka C/llaahi Xirsi uu isaguna ka helay 3-cod oo keliya.

Jagada guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxaa isna ku guuleystay, Maxamed Sheekh Axmed Maalin oo aanay jirin cid kula tartantay jagada, waxaana uu helay 57-cod.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ka hadlay kulanka ayaa u hambalyeeyay guddoomiyaha la doortay, wuxuuna intaas ku daray in wixii hadda ka dambeeya uu howsha la wareegi doono Guddoomiye, Cali Gacal Casir.

Odawaa ayaa xusay in wasaaradiisu ay shirka ka tahay fududeeye oo keliya; isla markaana 04-ta July ee soo socota ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug.

Ugu dambeyn, doorashada waxaa goobjoog ka ah xildhibaanno, mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo ka yimid gobollada dalka, iyadoo doorashadan ay tahay tii ugu horreysay oo ay xildhibaannadu ku doortaan mas’uuliyiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya