4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 27, 2015
Dowladda Kenya oo Qaaday Bandowgii la Saaray Magaalooyinka Gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya


Sabti, Juun 27, 2015 (HOL) — Dowlada Kenya ayaa shaacisay inay bandowgii ay kusoo rogtay deegaannada Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya la qaaday, iyadoo bandowgan lagu soo rogay gobolka bishii Abriil, kaddib weerarkii Jaamacadda Gaarisa.

Bandowgan ayaa saarnaa magaalooyinka Mandheera, Wajeer, Garissa iyo deegaano ka mid ah Tana River, waxayna xukuumadda Kenya sheegtay in qaadista bandowga ay tahay mid ku timid sababo la xiriira bisha barakeysan ee Ramadaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay in bandowgaan la qaaday kaddib markii uu dhawaan madaxweynaha Kenya uu ka codsaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya in dib u eegis ku sameyso bandowga marka galo Ramadaanka.

Xukuumadda Kenya ayaa shacabka gobolkaas kala kulantay cadadaas markii lagu soo rogay gobolkaas Bandowga, iyadoo qaadista bandowgan uu imaanayo xilli uu Bandiga dhexe ee Kenya fasaxay maalmo ka hor Xawaaladihii Soomaalida oo iyana xayiraad lagu soo rogay bishii Abriil ee sannadkan.

Ugu dambeyn, bandowga ayaa saameyn xooggan ku yeeshay shacabka Gobolkaas ku nool, iyagoo sheegay in dhibaatooyin dhanka ganacsiga, nolosha iyo isku socodka ah ay kala kulmeen badowga.

Si kastaba ha ahaatee, Gobolka Waqooyi-bari Kenya oo ku yaalla Xadka ay Kenya la wadaagto Somalia ayaa waxaa ka dhacay weerarro ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab, kuwaasoo uu ka mid ahaa kii Jaamacadda Gaarisa oo lagu dilay 148-qof oo u badan arday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya