4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 27, 2015
Guddoomiyaha & Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Cusub ee Galmudug oo Maanta la Dooranayo


Sabti, Juun 27, 2015 (HOL) — Waxaa goor-dhow ka billowday Hoolka Shirarka Cadaado kulan uu baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug ay ku dhageysanayaan khudbadaha murashaxiinta u tartamaya xilalka guddoomiyaha iyo ku xigeenka baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Dhageysiga khudbadaha murashaxiinta kaddib ayaa waxaa si toos ah u billaabanaysa doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenka maamulka, iyadoo doorashaduna ay noqon doonto mid gacan-taag ah, sida ay sheegeen howlwadeennada doorashada.

“Goor-dhow waxaa billlowday Khudbadaha murashaxiinta xilalka guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa u tartamaya, waxaana xigi doonta doorashada oo ah mid qarsoodi ah,” ayuu yiri mid ka mid ah mudanayaashii la dhaariyay ee baarlamaanka oo qaar warbaahinta ka mid ah la hadlay.

Sidoo kale, howlwadeennada doorashada ayaa iyaguna dhankooda sheegay inay soo gaba-gabeyn doonaan maanta doorashada, si baarlamaanku maamul rasmi ah uu u yeesho, kuwaasoo hoggaamin doona wixii hadda ka dambeeya howlaha baarlamaanka Galmudug.

Baarlamaanka Galmudug ayaa si rasmi ah loo dhaariya Isniintii aan soo dhaafnay oo ay bishan Juun ay ahayd 22-ka, waxaana dhaarintooda kaddib ay doorteen guddoomiye KMG ah inta laga dooranayo guddoomiyaha iyo ku xigeenada rasmiga ah.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federraalka Somalia oo furay kal-fadhigii ugu horreeyay ee uu baarlamaanka Galmudug yeeshay toddobaadkii la soo dhaafay ayaa sheegay in baarlamaankan lagu soo dhisay yahay qaab wanaagsan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii Alle Idmo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya