4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 26, 2015
FAAHFAAHIN: Weerarkii lagu qaaday Saldhigga AMISOM ee Leego & Al-shabaab oo ka Hadashay


Jimco, Juun 26, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 40 ruux ayaa ku dhintay weerar Al-shabaab ay maanta ku Qaadday Saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellada Hoose, iyadoo Al-shabaab ay ka hadashay weerarkaas, sheegtayna inay ku dishay in ka badan 50-askarta AMISOM ka tirsan.

Weerarka oo ku bilowday is-miidaamin ayaa waxaa xigay dagaal xooggan oo dhex-maray ciidanka AMISOM ee saldhigga ku sugnaa iyo xoogagga AMISOM, kaasoo socday muddo saacado ah oo la isku adeegsanayay hubka culus iyo kan fudud.

Al-shabaab ayaa sheegtay in xoogaggeedu ay gudaha u galeen saldhigga, iyagoo sheegay inay ku dileen ciidammo fara badan, lana wareegeen hub iyo saanad ciidan oo saldhiggaas yaallay, markii dambena ay xerada ku xoomeen dadka deegaanka oo qaatay wixii yaallay.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Leego oo uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegeen inay ciidamadii AMISOM isaga baxeen saldhigga ayna galeen xerada ku taalla garoonka balli-doogle oo uu ku yaallo saldhig ay AMISOM leedahay.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) oo ka Hadlay weerarkan ayaa sheegay in xoogagoodu ay la wareegeen saldhigga, ayna ka dileen askar ka tirsan AMISOM oo ka socda Burundi oo saldhiggaas ku sugnaa sannadihii lasoo dhaafay.

Sh. Cali Dheere ayaa intaas ku daray in khasaare culus ay gaarsiiyeen ciidankii AMISOM ee xeradaas ku sugnaa, Wuxuuna Xusay in khasaaraha gaaray uu ka daran yahay kii 2011-kii ay ugu geysteen degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dileen in ka badan 70-askari ka tirsanaa ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM.

Dhanka kale, Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM uu weerarkaas kasoo gaaray khasaare lixaad leh, loogana gubay gaadiid dagaal, sidoo kalena looga qabsaday sanaad ciidan oo saldhiggaas taallay.

Qaar ka mid ah saraakiisha dowladda Soomaaliya oo magacooda Qariyay ayaa u sheegay VOA-da iyo qaar ka mid ah warbaahinta madaxa-bannaan in weerarkaas lagu dilay in ka badan 50-askari oo ka mid ah ciiadmada AMISOM ee ku sugnaa saldhiggaas.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Sh. Maxamed Nuur Siidii oo isna ka hadlay dagaalka ayaa xaqiijiyay inuu jiro khasaare xooggan oo ka dhashay weerarka loogu geystay ciidamada AMISOM, Qaraxyo is-miidaamin ahna loo adeegsaday weerarkaas.

C/qaadir Siidii ayaa xusay in la'yihiin mas'uuliyiin ka tirsan kuwa deegaanka Leego oo ay ka mid yihiin Guddoomiyihii deegaanka Leego iyo ku xigeenkiisii ay ku jireen, kuwaasoo uu sheegay inaan illaa hadda la ogeyn meel ay jaan-iyo-cirib dhigeen.

Si kastaba ha ahaatee, ergayga Midowga Afrika ee Somalia danjire Maman S. Sidikou ayaa war uu soo saaray maanta ku sheegay inay weerarkaas ku waayeen askar ciidamada dalka Burundi ka tirsan, inkastoo uusan xusin tirada askarta weerarkaas looga dilay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]  
Muqdisho, Soomaaliya