4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 26, 2015
WASIIRKA WARFAAFINTA: Soomaalidu Waa inay is-garab-taagaan Walaalahooda Soomaaliyeed


Jimco, Juun 26, 2015 (HOL) — Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed inay is-garab-taagaan walaalahooda dalka gudihiisa ku dhibaateysan, gaar ahaan inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Maareeye ayaa xusay in Soomaaliya uu horumar ballaaran ka socdo, kaasoo uu ku xusay warbixintiisa inay u baahan tahay in is-caawiyo, ayna  Soomaalidu si gaar ah isugu tashadaan maadaama ay dalka iyagu leeyihiin, sidoo kalena isu samarnaa oo mar walba ay danta guud wada-eegnaa.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ka warbixiyey horumarka joogtada ah ee ay dowladda FS ku tallaabsaneyno maalin walba, gaar ahaan dhinacyada amaanka, dhaqan-gelinta nidaamka federaalka, Maaliyadda, Siyaasada, koboca dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Horumar kasta oo ay dowladdu sameyso waa inuu garab socdaa bulshada Soomaaliyeed oo kaalin mug leh ka qaadata sidii dalku u noqon lahaa mid amni ah.

“Ma ahayn suuro-gal in saddex sano ka hor Cadaado shir maamul u sameyn ah lagu qabto oo dadka deegaanka ay xildhibaannada deegaanka soo xushaan si ay uga tashadaan aayahooda, iyagoo dhawaan dooran doona madaxweynaha maamulka ay dhisteen ee Galmudug. Sidoo kale saddex sano ka hor suuro-ogal ma ahayn in Hay’adda Caalamiga ee IMF ay sheegto in Soomaaliya ay horumar weyn oo dhanka dhaqaalaha ah uu ka jiro. Waxaan kaloo saddex sano ka hor suuro-gal ahayn in xafiiskii dowladda Hoose ee Muqdisho la dayactiro, in barnaamijyada dhaqanka lagu weynaynayo lasoo bandhigo, In Madaxda dalka iyo kuwa gobollada ay goob keliya isugu yimaadaan oo ay aayahooda ka tashadaan iyaga keliya,” ayuu yiri Maareeye.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri. “Bacdamaa aanu ku jirno Bishii Barakeysnayd ee Ramadaan, waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed inay noqdaan kuwo iska war-qaba si ay u sahlanaato in gargaar lala gaaro kuwa tabaaleysan. Waxaan uga mahad-celineynaa dadka Soomaaliyeed sidii quruxda badneyd oo ay uga soo jawaabeen codsigii dowladda FS iyo guddiga gurmadka Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen, kaas oo sahlay in Qaxootiga kasoo cararay Yemen la gaarsiiyo gargaar, tanoo noqotay mid soo nooleysay rajadii iyo hamigii uu shacabka Soomaaliyeed qabay ee ahaa in Soomaalidu ay isku tashato.”

Wasiirka ayaa mar kale yiri. “Waxaan u mahad-celineynaa Hay’adda Horumud Foundation oo maxaabiista xabsiga dhexe iyo curyaamiinta gaarsiisay kaalmo suuro-gelisay in bisha Ramadaan ay ku afuraan oo aysan ka welwelin afur. Sidoo kale ganacsatada Soomaaliyeed iyo Qurba-joogta waxaan ka codsaneynaa inay iyaguna kaalin mug leh ka qaataan gargaarka shacabka Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa ku dhibaateysan. Waxaana Aamin-sanahay in Soomaaliya ay isku filnaan karto haddii aan gacmaha is-wada-qabsano oo aan arrimaheenna u istaagno. “

Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta Somalia ayaa sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay in shacabka la gaarsiiyo marxalad ay aayahooda uga tashan karaan. Isagoo hadalkiisa ku yiri. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in la dar-dargeliyo barnaamijka hiigsiga 2016-ka, si shacabku ay aayahooda uga tashadaan, wuxuuna horumarka maalin walba la gaarayo uu na-gelinayaa yididdiilo wanaagsan. Somalia Soomaali baa leh waana inaan gacmaha is-qabsanaa oo aan u istaagnaa sidii aanu dalkeena nabad uga dhigi lahayn.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya