4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 26, 2015
Dowladda Somalia oo Cambaareysay Weerarkii Leego sheegtayna inay Howlgalladu sii socon doonaan

Jimco, Juun 26, 2015 (HOL) — Xukuumadda Somalia ayaa cambaareysay weerarka ay Al-shabaab ku qaadday maanta saldhig ay ciidanka AMISOM ku lahaayeen deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellada Hoose.

War-saxaafadeed ay soo saartay xukuumadda federaalka Somalia ayay amaan iyo bogaadin ugu jeedisay dhiiranaanta, waajib-gudashada iyo naf-hurnimada ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM oo mar kale ka suura-geliyay Somalia nafhurnimadooda iyo dadaalkooda ku aaddan guulaha horumarka leh ee ay dalka ka sameeyeen.

Sidoo kale, XFS waxay ka tacsi u dirtay qoysaska, saaxiibada iyo ehellada ciidamadii lagu dilay weerarkii ka dhacay deegaanka Leego, Kuwaasoo ay Xustay inay Naftooda u hureen ilaalinta shacabka Soomaaliyeed ee rayidka ah iyo xoojinta hey’adaha dowladda Somalia iyo weliba dhowrista horumarka Somalia.

“Xukuumadda Somalia marna kama gaabin doonto inay guulo ka gaarto yididdiiladeedana, horumarka iyo barwaaqada guud ahaan ee shacabkeeda iyo gobolka. Weerarkii maantana wuxuu ahaa falalkan mid fuleynimo ah oo ay sameyeen kuwa isku qarinaya tafsiir khaldan oo ay ka bixinayaan Diinta Islaamka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka xukuumaddu soo saartay caawa.

Dhanka kale, waxaa lagu yiri qoraalka. “Iyadoo lagu gudo jiro dadaallada geesinimo ee ay dalka ka wadaan ciidamada nabad-ilaalinta AMISOM iyo ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo muujiyay maanta naf-hurnimadooda ay kaga hortageen kooxda nabadda kasoo horjeeda, dhiiggooduna ma noqon doono mid aan wax kasoo qaad lahayn.”

Ugu dambeyn, Waxaa War-saxaafadeedka lagu Xusay in Ciidamada Xoogga Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay sii wadi doonaan howlgallada wadaagga ah, illaa inta dalka oo dhan xoreynayo Al-shabaab, shacabkeenanna uu noqdo mid xor ah, si uu u gaaro yididdiiladooda nabadda iyo xoriyadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya