4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 26, 2015
SIILAANYO: Waxaan ku dadaalaynaa sidii aanu Caalamka uga heli lahayn Aqaoonsi buuxa (SAWIRRO)


Jimco, Juun 26, 2015 (HOL) — Munaasibad balaadhan oo lagu xusayo  55 sanad guuraddii ka soo wareegtay maalintii calankii ugu horeeyey ee dhul Soomaaliyeed la suro laga taagay magaaladda Hargeysa, taas ooo ku beegan maanta oo kale 26 june.

Munaasibad loogu dabaaldegayo maalinta xoriyadda ee gumaystihii ingiriiska ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyadda, waxaana ka soo qaybgallay Madaxweynaha Somaliland , Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ,   Taliyaasha Ciidamada Somaliland  , Odeyaal  , Xubno Ka Mid Ah Golaha Wasiirkada Xukuumada Kulmiye Iyo Masuulyiin Kale .

Madaxweynaha Somaliland Oo Salaan Sharafeed U Ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciimada Qaranka Somaliland ka dibna wuxuu calankii Somaliland uu sudhay isla goobtii.

“Waxaa  Farxad Weyn Maanta Inoo Ah In aynu  U Dabaal Degno   Mudadii Ka Soo Wareegtey Markii Aynu Xoriyadeena Ka Qaadanay Dalka Ingiriiska Oo Laga Jooga 55 Sano Isla Markaana Ku Beegan 26.June.1960”ayuu yidhi Siilaanyo.

Waxaanu intaas ku daray “Dalkeenu Waa Dal Aad Iyo Aad U Soo Halgamey Waa Dal Ay Dadkiisa Iyo Dadkiisu Madaxbaanidiisa U Soo Halgameen  Waynu Qaldaney Waxyaabo Badan Oo Aynu Sameynay Wey Jiraan Lakiin Maanta Weynu Ka Soo Kabaney Xoriyadeeni Iyo Dadnimadeeni Ayeynu Heysanaa Caalamkuna Waa Uu Inala Macaalimaa Waxa aynu U Baahano Weynu Qabsan Karnaa,  Insha alleh Waxeynu Rajeyneynaa In aynu Caalamka Ictiraaf Buuxa Aynu Ka Helno Waana Aanu Ku Dadaali Doonaa  Waxaanan Hanbalyo U Dirayaa Ciidamada Qaranka Iyo Shacabka Somaliland Meel Kasta Oo ay jooganba”.

Waxa kale oo iyaguna madasha ka hadlay Xaaji Cabdi waraabe, Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Waxaana Ay Dhamaantood Sheegeen In Maalintani Ay Tahay Maalin Ku Weyn Qaranka Somaliland Isla Markaana ay Haboon Tahay In La Xuso Oo La Xasuusnaado.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland inta badan si weyn loogama dareemo 26 june, marka laga reebo in la fasaxo dugsiyadda iyo shaqaalaha, waxaana maanta munaasibad kooban lagu qabtay xarunta madaxtooyadda halkaasi oo khud bad kooban uu madaxweynuhu ka soo jeediyey.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]                                               
Hargeysa, Somaliland