4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 26, 2015
Danjire Sidikou oo ka Hadlay Weerarkii ay Al-shabaab ku Qaaday Saldhigga AMISOM ee Leego


Jimco, Juun 26, 2015 (HOL) — Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Hoggaanka AMISOM, Maman S. Sidikou ayaa Cambaareeyay Weerarkii ay Al-shabaab ku Qaadday maanta oo Jimo ah Saldhig ay Ciidamada AMISOM ku Leeyihiin Deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose.

Danjire Sidikou ayaa uga tacsiyeeyay dowaldda iyo shacabka Burundi, askartii ku naf-waayay maanta weerarka ay Al-shabaab ku qaadday saldhigga AMISOM, inkastoo uusan sheegin tirada askarta looga dilay weerarkaas.

“Weerarkani ma noqon doono mid hor-istaaga howlgalkeena Soomaaliya; wayna sii socon doonaan howlgallada ay ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia uga saarayaan Argagaxisada goobaha ay uga harsan yihiin dalka,” ayuu Sidikou ku yiri war-saxaafadeed uu gellinkii dambe ee maanta soo saaray.

Ugu dambeyn, Ergayga Midowga Afirka ee Arrimaha Somalia ayaa xusay in dhawaan la billaabi doono howlgallo Al-shabaab looga saarayo dalka oo dhan, kuwaasoo ay iska kaashan doonaan ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, si nolosha dadka ku nool deegaannada ay Al-shabaab ka taliso loogu soo celin lahaa si caadi ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya