4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 26, 2015
Xildhibaano ugu baaqay Ra'iisul Wasaaraha XFS in Tixgelin la siiyo go'aanka siyaasiyiinta Hiiraan

Jimco, Juun 26, 2015 (HOL) —  Siddeed xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa ka dalbaday RW Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka C/raxmaan Maxamed Xusseen Odawaa in ay tixgaliyaan go'aanka siyaasiyiinta iyo bulshada gobolka Hiiraan ee la xiriira nidaamka federaaliisam-ka iyo maqaamka uu yeellanayo gobolka Hiiraan.

Siddoo kale qoraalka ay wadda jirka u soo saareen saddeeda xildhibaan ayaa ka dalbanaya xukuumada iyo wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka dhismaha dhismaha iyo abuurista guddiga deegaanka gobolka.

AKHRISO: QORAALKA AY XILDHIBAANNADA SOO SAAREEN;

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya