4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 26, 2015
Kooxo hubeysan oo Odayaal-dhaqameed ku dilay Deegaano Hoos-taga Magaalada Balad-xaawo


Jimco, Juun 26, 2015 (HOL) — Kooxo Hubeydsan ayaa Maanta Gobolka Gedo ku dilay deegaanno ku dhaw Xadka ay Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan, iyadoo aan la ogeyn sababta illaa hadda loo dilay labadan oday-dhaqameed.

Deegaannada lagu dilay odayaashan ayaa hoos-taga magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, waxaana odayaasha la dilay lagu kala magacaabi jiray, Xasan Cabdi Daa’uud iyo Xaaji Khamiis Daa’uud Mahdi, waxaana dilkooda dadkii ka dambeeyay la sheegay in dhanka xadka Kenya ay kasoo tallaabeen.

Qaraabada Odayaashan la dilay ayaa ku eedeeyay dilkooda dowladda Kenya isla markaana aysan isku mashquulin doonin qabashada dableydii dilalkan fulisay oo ay sheegeen inay gudaha Kenya ku baxsadeen.

Ugu dambeyn, illaa hadda lama oga sababta loo dilay odayaashan, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilalkaasi. Dhanka kalena Xukuumadda Kenya weli kama aysan hadlin eedeynta ah inay iyadu ka dambeyso dilka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya