4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 26, 2015
XASAN SHEEKH: Mowqifka Dowladda FS ee ku wajahan Somaliland Waa mid Walaalnimo (SAWIRRO)


Jimco, Juun 26, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan 55-guurada munaasabadda 26-ka June oo ah markii ugu horreysey ee calan laga taago gobollada waqooyi ee Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ka hadlayay xafladda xuska 26-ka June oo ka dhacdey xarunta gobolka Banaadir ayaa sheegay in maalintan ay taariikh weyn ku leedahay shacabka Soomaaliyeed.

“Habeenkan oo kale 55 sanno ka hor waxaa qof walba oo Somali ah dareenkiisa buuxiyey farxad ah in calan laga taago dhul Soomaaliyeed, gumeysigana uu meesha ka baxo. Si gaar ah waxaan hambalyo kal & laab ah u diraya shacabka sharafta badan ee gobollada waqooyi oo markii ay xornimada qaateen, goobtan noogu yimid si loo unko midnimada Somalia," ayuu yiri Madaxweynaha Somalia.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi diray shacabka iyo ehelada Hal-gameyaashii Dhiig-gooda u hurey xornimadoonka, iyo shacabkii waxyeelada ay ka soo gaartey nidaamyadii dowliga ahaa ee dalka ka dhismey xornimada kadib, isagoo sheegay in loo baahan yahay in dhibaatooyinkaasi cashar laga barto, lagana shaqeeyo in aaney dib u dhicin iyadoo muhimad la siinayo midnimada.

“Ma dafiri karno waxa dhacay, waxaana wada qirsanahay in dhibaatooyinka shacabka loo geystey ay ahaayeen kuwo fool xun. Waxaa loo baahan yahay in dhibaatooyinkaasi la iska daweeyo oo la helo xal lagu wada noolaan karo. Waa dhab in xusuus murugo leh ay nagu reebeen dhibaatooyinkaasi dhacay, hadana si aan horey ugu dhaqaaqno waa inaan is cafinaa oo aan dib nabad iyo caddaalad ugu wada noolaanaa. Himilooyinkii xornimada qaar ka mid ah waanu gaarney, qaar kale oo badanna waanu gaari weyney, marka si aan hawshaasi u dhameystirno waa inaan wadajir u shaqeynaa, isla markaana la dhisaa Soomaaliya cusub oo barwaaqo iyo nabad ku naaloota,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh mar kale yiri.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sii wadista wadahadalka ay kula jirto Somaliland, isagoo isla markaana fariin gaar ah u direy.

“Mowqifka Dowladda Somalia ee ku Wajahan Somaliland waa mid Soomaalinimo iyo Walaalnimo ku dhisan. Waan ugu hambalyeynayaa nabadda ay sameysteen. Ma dooneyno inaan colaad iyo dagaal ka hurino, ma dooneyno inaan dacaayad ka fidino, balse waxaan dooneynaa inaan la shaqeyno, wixii tabasho ah oo dhexdooda ka jirana aan la xalino, kadibna aan wadajir u wajahno baahida aan wada qabno ee ah Soomaaliya mideysan oo horumarsan’’.

Xalay saqdii dhexe ayaa waxaa isla xarunta Gobolka Banaadir la saarey calanka, iyadoo halkaasi uu Madaxweynaha Somaia Salaan sharaf kaga qaatey cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida.

Waxaa kaloo munaasabadda kasoo qeybgaley RW Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali, RW ku xigeenka, Max'ed Cumar Carte, Xubno ka tirsan Golayaasha kala duwan ee dowladda, Taliyeyaasha Ciidammada, Dublomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa sidoo kale ubax lagu xususanayo usayo 55-sanno Guuradii kazoo wareegtay xornimada Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya dhigay Taallada Daljirka Dahsoon ee Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya