4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 26, 2015
Iska-horimaad gudaha Degmada Kismaayo ku dhexmaray ciidanka Maamulka Jubba iyo Al-shabaab
Jimco, Juun 26, 2015 (HOL) —Iska-horimaad xooggan ayaa xalay saqdii dhexe gudaha magaalada Kismaayo ku dhexmaray dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab iyo weliba ciidamada ammaanka degmada Kismaayo, iyadoo iska-horimaadkaasi uu ahaa mid xooggan.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo aad u hubeeysan ayaa waxa ay xalay gudaha usoo galeen magaalada Kismaayo, iyadoo uu iska horimaad xooggan dhexmaray ciidamada ammaanka degmada Kismaayo.

Nuur Cumar Faarax oo kamid ah saraakiisha ciidamada nabadsugidda degmada Kismaayo oo warbaahinta kula hadlay goob ay kusoo bandhigeen meydka mid kamid ah dagaalayahannadii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa waxa uu sheegay in ay ka hortageen falal amni darro oo uu sheegay in ay Al-shabaab qorsheeynayeen in ay ka geystaan gudaha magaalada.

"Waxaa dhacday iyagoo doonaya in ay miino meel galiyaan ayuu ilaahay ciidamada haleeshiiyay, dhimasho iyo dhaawac ayaan u geeysannay, hub fara badanna waan ka qabsannay," ayuu taliyuhu hadalkiisii raaciyay.

Weerarka ay xoogagga Al-shabaab xalay kusoo qaadeen magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli ammaanka Kismaayo uu mudooyinkii u danbeeyay ahaa mid aad u wanaagsan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya