4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 26, 2015
Al-shabaab oo Weerar ku Qaadday Saldhig ay Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Deegaanka Leego

Jimco, Juun 26, 2015 (HOL) — Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa Weerar culus ku qaaday saaka waabarigii deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose, kaddib markii ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada AMISOM deegaankaas ku leeyihiin.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in weerarka uu ku billowday gaari Is-miidaamin ahaa oo lagu Qarxiyay illinka saldhigga, kaddibna ay halkaas ka billaabatay is-rasaaseyn xoogan oo u dhexeysa ciidamada Al-shabaab iyo kuwa AMISOM ee ku sugnaa saldhigga la weeraray.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalku uu yahay mid culus, iyagoo ay labada dhinac isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan. Iyadoo sidoo kale dadka deegaanku ay sheegayaan inuu jiro khasaare xooggan oo soo kala gaaray labada dhinac, gaadiidna la isaga gubay.

Illaa hadda lama oga khasaraaha ka dhashay dagaalkan inta uu le’eg yahay, waxaana ay mas’uuliyiinta deegaanka Leego sheegayaan in dagaalku uu yahay mid faraha looga gubtay, welina ay xabbadu socoto.

Xarakada Al-shabaab ayaa markii la galay bishaan Ramadaan kordhiyay weerarada ay ku beegsanayso dowladda Somalia iyo ciidanka AMISOM, iyadoo la xusuusto in todobaadkii hore uu deegaanka Jameecada ku dhexmaray dagaal xooggan ciidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

AMISOM iyo Al-shabaab ayaan weli ka hadlin dagaalka ku dhexmaraya Leego, laakiinse wixii kusoo kordha dagaalkaan waxaad kula socon doontaan wararka soo socoda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya