4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 26, 2015
Wasiirka Gaashaandhigga DFS oo ka Tacsiyeeyay Geeridii Jeneraal C/qaadir X. Maxamed Masalle

Jimco, Juun 26, 2015 (HOL) — Jen. Cabdulqaadir Xaaji Maxamed Masalle oo ka mid ahaa Saraakiishii Dowladdii Millateriga ee Somalia ayaa ku Geeriyooday magaalada London ee xarunta dalka Britain Khamiistii shalay ahayd, Halkaasoo uu ku noolaa xilliyadii uu dalku burburka ku jiray.

Geerida marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay wasiirka difaaca Somaliya, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Taliska Ciidamadda Xoogga Dalka, iyagoo xusay in marxuumku uu ahaa muwaadin jecel horumarka iyo nabadda Soomaaliya.

“Eebbe ha u raxmadee waxaa Soomaaliya maanta ka geeriyooday Muwaadin si aad ah u jeclaa dalkiisa, kana mid ahaa mas’uuliyiintii natooda u hibeeyay Qarannimada Soomaaliya, waxaana tacsi u dirayaa ehelladiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baday marxuum Masalle,” ayuu yiri Jen. C/qaadir Diini.

Sidoo kale, Jen. Diini ayaa yiri. “Marxuumku wuxuu ahaa mid ka mid ah tiirarkii aas-aaska u dhigay Qaranimada Somalia, wuxuu u soo adeeggay dalkan muddo dheer, taarriikh ayuuna ku lahaa ummadduna waa qadarin jirtay, waxaan ku tilmaami karaa muwaadin ku shaqeeyay intii uu xilalka kala duwan hayay caddaalad iyo la dhaqanka bulsho kuna sharfanaa meel kasta oo uu wax kasoo noqday.”

Ugu dambeyn, Jen. C/qaadir Masalle ayaa wuxuu ka mid ahaa xubnihii kaalin weyn ku lahaa dowladdii millateriga ahaydee Soomaaliya, wuxuuna xilliyadii dambe ka mid ahaa dadka u dooda in nabaddii Soomaaliya dib loosoo celiyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya