4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 26, 2015
Xuska Xorriyada Somalia ee 26-ka Juun oo lagu qabtay Magaalada Tromsø ee Dalka Norway


Jimco, Juun 26, 2015 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo loogu dabaal-dagayay sannad-guurada 55-aad ee kasoo wareegatay Xorriyadda Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaalada Tromso ee woqooyiga dalka Norwey.

Xafladda oo ay si heer sare usoo qaban-qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Tromso ayaa waxaa kasoo qaybgalay dadweyne aad u fara badan oo ku nool magaaladaas, iyadoo sidoo kalena lagu casuumay Wakiillo ka socday qeybo kamid ah magaalooyinka dhaca Woqooyiga iyo Koofurta dalka Norwey.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay Waxaa suugaan aad ay ugu riyaaqeen dadweynaha kusoo bandhigtay Madasha lagu qabtay Munaasabadda Fannnaannada caanka ah ee Idil Barqad iyadoo ku labisan dhark muujinaya astaanta Quruxda badan ee calanka Somalia oo helitaankiisa lagu bixiyey dedaal iyo halgan dheer...

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Tromso Musdafa Cumar Faarax oo goobta khudbad ka jeediyay ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyay ummadda soomaaliyeed munaasabadda sanadguurada 55/aad ee kasoo wareegatay Maalmaha Xorriyada isagoo tilmaamay in guddiga jaaliyadda ay juhdi aad u sarrreeya ku bixiyeen qabsomidda xafladani heerkeedu sarreeyo waxa uuna ugu baaqay in muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku nool magaalada ay si dhaw ula shaqeeyaan guddiga jaaliyadda kuna dedaalaan midnimada iyo isku xirkooda.

Sidoo kale waxgaradkii kale ee kasoo qeybgalay xafladda ayaa ku dheeraaday ka hadalka taariikhdii iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray Gobannimada aan maanta hoos harsaneyno waxaana dadkaasi kamid ahaa Cali Daahir Maxamed, Abdirahman Colaad iyo Axmed Biyoon kuwaasoo oo kamid ahaa masuuliyiintii  lagu casuumay munaasabadda .

Sanad kasta waxaa maalmaha 26-ka Juun iyo 01-da Luuliyo laga xusaa dhammaan Soomaaliya iyo daafaha caalamka ee ay Soomaalida ku nooshahay munaasabado lagu weyneynayo maalmaha xorriyadda Somalia oo ay kasoo wareegatay 55-sano.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya