4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 9 , 2015
Baarlamaanka Puntland oo Maanta ka Dooday in Xiriirka loo Jaro Dowladda Somalia iyo in kale


Khamiis, Luuliyo 09, 2015 (HOL) — Xildhibaaannada Barlamaanka Puntland oo Maanta shir ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa ka dooday khilaafka u dhaxeeya Dowladda FS iyo maamulkooda ,waxaana kulankan soo xaadiray xildhibaano dhaafayay 50-mudane.

Afhayeenka Golaha Wakiillada Puntland, Siciid Xasan Shire oo kulanka furay ayaa laga dhagaystay warbixinno la xiriira heshiisyadii ugu danbeeyay ee ay wada galeen dowladda Soomaaliya iyo Puntland, kuwaasoo la sheegay in aysan dhaqan galin.

“Dhamaan heshiisyadii dhacay waxa ay ka socon waayeen dhinaca dowaladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana taa sabab u ah fara-galinta lagu hayo maamulka Puntland “ ayuu yiri Xildhibaan Saadaq Abshir Garaad oo ka hadlay kulanka.

“Wax inaga qarsoon maaha dhamaanteena in dowladda Soomaaliya ay ku xad-gudubtay dastuurka KMG ah,“ ayuu mar kale yiri xildhibaanka oo Puntland ugu baaqay in ay ka fiirsato xiriirka kala dhaxeeya dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qaar kamid ah xildhibaanadii ka hadlay kulanka ayaa iyagana sheegay in ay ka soo horjeedaan xeerar uu meel-mariyay barlamaanka Soomaaliya dhawaantan ,kuwaasi oo ay sheegeen in aan lagala tashan maamulada xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya.

Ugu dambayn, Afhayeenka Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in kalfadhigan oo ah kii 35-aad ee barlamaanta Puntland inta uu socdo go’aan kama danbays ah looga gaari doono xiriirka labada dhinac ,waxaana dhawaan maamulka Puntland uu ka so horjeestay dhismaha maamulka Gal-Mudug oo madaxweyne cusub yeeshay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]