4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 8 , 2015
Madaxweynaha DF Somalia oo Afur u sameeyay Madaxda Laamaha Amniga Qaranka (SAWIRRO)


Arbaco, Luuliyo 08, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada Afur ugu sameeyay caawa madaxda laamaha amniga Qaranka.

Xasan Sheekh ayaa intii Munaasabadda ay socotay kala hadlay Madaxda laamaha Amniga, Xaaladda uu dalka ku sugan yahay iyo sida ciidamada Amniga dalka looga doonayo inay doorkooda saliimka ah uga cayaaraan nabadeynta dalka.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed way Ogsoon yihin Hawsha Adag ee Ciidamadeena Qaranka ay inoo hayaan. Hawshaas waxaan doonayaa in la lalabalaabo, Illaa dalka oo dhan laga sifeynayo cadowga, Awooddeenana aan isugu geyno dhanka horumarka,'' ayuu ku yiri Xasan Sheekh Hadal uu jeediyay.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa Taliyeyaasha Ciidamada faray in si dhow loola socdo xaaladda nololeed ee ciidamada, Xuquuqda ay leeyihiin, Anshaxa iyo isla-xisaabtan dhanka hawlaha sugidda Ammaanka.

Ugu dambeyn, Afurka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa;  Wasiirka Gaashandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Mas’uuliyiin kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya