4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 8 , 2015
Guddoomiyihii Hore ee Degmada Afgooye oo Goor-dhow lagu dilay Bartamaha Degmadaas

Arbaco, Luuliyo 08, 2015 (HOL) — Nin hubeysan ayaa goor-dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ku Toogtay Guddoomiyihii hore ee Degmadaas, Cabdullaahi Cabdi Iideey.

Qofka dilka geystay oo ku hubeysnaa bastoolad ayaa la sheegay inuu guddoomiyihii hore ee Degmada uu ku toogtay bartamaha Afgooye, iyadoo booliisku ay la dagaalameen ninka kaddibna ay gacanta kusoo dhigeen.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Degmada Afgooye, C/llaahi Xasan Cabdi Toogane ayaa sheegay in ninka dika geystay ay gacanta ku hayaan ayna la tiigsan doonaan sharcigan, inkastoo aan la ogeyn cidda uu ka tirsanaa ruuxan dilka geystay.

Degmada Afgooye waxaa Maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay falalka dilalka iyo amni-xumada isugu jira, iyadoo degmadaas ay ka dhaceen dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay dhow di loo ay mas’uuliyooda sheegatay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya