4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 7 , 2015
Dowladda Somalia oo Toddobaadka soo socda oo Dacwad kale ka Gudbinaysa Xukuumadda Kenya


Talaado, Luuliyo 07, 2015 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa la sheegay inay ka qaadatay go’aan cad muranka xuduud-badeedka ah ee kala dhexeeya Kenya, sida uu Wasiirka War-faafinta Somaila maanta ugu sheegay Xafiiskiisa Muqdisho.

Maareeye ayaa intaas ku daray in dowladda Federaalka Somalia ay Warbixin qoto-dheer ka dhageysatay laba Qareen oo dowladda Somalia kala shaqeynaya howsha Xuduud badeedka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Isniinta nagu soo aaddan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u Gudbin doonto Dacwaddeeda ka Dhanka ah Muranka Xuduudda Badda ee kala dhexeysa Kenya.

“Waxaa Warbixin laga dhageystay lala qareen oo Somali ah kuwaasoo dowladda Somalia  qaabilsan dacwadda ku saabsan Xuduud-badeedka Soomaaliya iyo Kenya oo aad og-tihiin in marar badan oo hore la isku dayay wada-xaajood lagu dhameeyo, balse ay suuro-geli wayday, markii dambena dowladda federaalka Somalia ay go’aamisay inay dacwad ka gudbiso markii lagu qanci waayay doodda Kenya ayna xuduudoodii badda ku ekaan waayeen. Dowladda Soomaaliya waxay Hague u gudbisay dacwad, waxaana sidoo kale 13-ka bishaan gudbin doonaa dacwadda oo dhameystiran,” ayuu yiri Maareeye.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in Kenya ay xaq u leedahay muddo sideed bilood ah ay ku diyaarsato jawaabtii ay bixin lahayd, markaa kaddibna fadhigii ayaa billaabanaaya, waxayna ku beegmaysaa maxkamadeynta arrintan bisha Maarso ee sannadka soo socda 2016-ka.

Ugu dambeyn, Wasiir Maareeye ayaa la su’aalay arrinta ku aadan sababta AMISOM uga baxayaan qaar ka mid ah deegaanada ay dalka kaga sugan yihiin, isagoo xusay in dolwadda ay Arrintan kala hadashay Hogaanka Ciidamada AMISOM ayna sheegeen in Amar la’aan aysan AMISOM ka bixi karin deegaannada ay ku sugan yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya