4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2015
Xasan Sheekh oo Addis Ababa uga Qaybgalaya Shir looga hadlayo Maal-gashiga Caalamka (SAWIRRO)


Axad, Luuliyo 12, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta Gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga Qayb-galayo shirweynihii saddexaad ee Maal-gashiga Caalamka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobay.

Shirkan oo ay kazoo Qayb-geli doonaan Hoggaamiyeyaasha Caalamka, Wakiillo ka socda Waddamada Caalamka, Hay’adaha Maaliyadda iyo Ganacsiga ayaa waxaa Diiradda lagu saari doonaa qaabka loo tayeyn karo Maal-gashiga ku baxa horumarinta iyo in laga hor-tago falalka Canshuuraha lala goosto oo ay ku lumaan balaayiin doollar oo wax looga qaban karay yareynta Saboolnimada.

Waxaa kaloo shirkaan looga hadli doonaa Horumarinta Adeegyada canshuur uruurinta ee Caalamka iyo Xakameynta lacagaha sida Sharci-darrada ah la isugu gudbiyo caalamka oo dhan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirkan ka sokow, waxaa kaloo uu ka Qayb-geli doonaa shir gaar ah oo madaxda Urur-goboleedka IGAD ay kaga hadli doonaan Nidaaminta iyo la socodka Xawaaladaha.

Dhanka kale, Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku Wehliyaan Wasiirro, qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale ayaa sidoo kale la filayaa inuu khudbad ka jeediyo Shirarkan caalamiga ah.

Soomaaliya oo ah dal kasoo kabanaya dagaallo sokeeye, una baahan maalgashi iyo dib u dhis ayaa la filayaa in shirkaan ay kala soo noqoto natiijooyin wax ku ool ah.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh iyo Wafdigiisa ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Addis Ababa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya iyo Hawl-wadeennada Safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya