4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2015
Dab Qabsaday Guri ku yaalla degmada Bosaaso oo Dilay Afar Ruux oo isku Qoys ahaa (SAWIRRO)


Axad, Luuliyo 12, 2015 (HOL) — Inta la Hubo Afar Ruux oo isku Qoys ahaa ayaa Saaka barqadii ku geeriyooday guri ka samaysanaa cooshado iyo baakado oo ku yaala kaamka 55-aad ee magaalada Bosaaso kaddib dab Xooggan uu Qabsaday Gurigaas.

Qoyska goobta ku naf waayay ayaa kala ahaa Hooyo ,Saygeeda, gabar ay dhaleen iyo wiil la dhashay Hooyada Qoyska, sidaa waxaa Warbaahinta u Sheegay Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka gobolka Bari oo la hadlay warbaahinta.

“Walaal ma cadayn karo sababta keentay in dabkan uu kaco ,balse saaka ayaan aragnay dab-cirka isku shareeray ,markii aan tagnay goobta waxaan aragnay maydka afartan ruux “ ayey tiri Fowsiyo Jaamac oo aan qadka taleefanka kula hadlay.

“Dhamaan teen waan u gurmannay ,balse ma jirto cid ku guulaystay in ay bad-baadiso iyaga ,runtii waxa ay ahaayeen qoys si wacan looga garanayay kaamkan “ ayey mar kale tiri Fowsiyo oo sheegtay in ay ka naxday geeridan.

Qoyska geeriyooday ayaa lagu kala magacaabaa Hani Maxamed Maxamuud (Sardheeye), Farxaan Maxamed Maxamuud (Sardheeye) ,iyadoo hooyada geeriyooday saygeedi lagu magacaabi jiray Cali sidaa waxaa HOL u xaqiijiyay Axmed Faarax oo ay qaraabo yihiin qoyska geeriyooday.

Ugu dambeyn, laamaha danbi barista gobolka Bari oo goobta booqday ayaa sheegay in ay baaritaan ku samayn doonaan sababaha keenay dabkan ,iyadoo magaalada Bosaaso xiliyada habeenkii ah ay ka dhacdo dabayl aad u xoog badan oo sababi karta khasaare caynkan oo kale ah.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]