4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 11, 2015
DAAWO SAWIRRO: Burburka Hoteellada Siyaad iyo Weheliye oo ay Al-shabaab Weerartay Xalay

c
Sabti, Luuliyo 11, 2015 (HOL) — Waxaan halkan idin kugu soo gudbinaynaa burburkii ka dhashay Weerarradii ay Al-shabaab xalay ku Qaadday Hoteellada Weheliye iyo Siyaad oo ku yaalla Muqdisho.

Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay weerarradaas ku dishay 12-dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo ahaa kuwii soo Qaaday Weerarrada labadaan Hoteel lala beegsaday, iyadoo labada hoteel ay ku yaallaan goobo muhiim ah oo Muqdisho ku yaalla.

Hoteel Siyaad ayaa ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya iyadoo Hoteelka kale ee Weheliye uu isna ku yaallo Waddada Muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama Taasoo ay si aad ah ilaalo uga hayaan Ciidammo ka tirsan kuwa Amniga dowladda Somalia iyo Booliiska AMISOM.

Al-shabaab ayaa Sheegatay Mas’uuliyadda Weerarrada Hoteelladan oo ka mid ah kuwo ay deggen yihiin xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Somalia iyo weliba mas’uuliyiin kale oo ay ku jiraan Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Xaaladda Hoteelladan ayaa caawa ahayd mid degen, inkastoo ay ka muuqdaan burburkii ka soo gaaray weerarradii ay Al-shabaab ku qaadeen Xalay, waxaana Weerarradan ku dhintay dad shacab ah, inkastoo aysan dowladdu ka hadlin dhimashada Shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya