4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 11, 2015
KIISAS Cudurka Ebola ah oo Mar kale lagu Arkay Dalka Laybeeriya oo dhawaan laga cirib-tiray Cudurkan


Sabti, Luuliyo 11, 2015 (HOL) — Kiisas cusub oo Cudurka Ebola ah ayaa Toddobaadkii la soo dhaafay laga helay meel ka baxsan caasimadda dalka Liberia ee Monrovia, iyadoo illaa hadda la ogeyn halka ay kiisaskan dib uga soo farcameen.

Bukananada cusub ee la helay ayaa ahaa wiil iyo gabar ka yimid Nedowein oo ahayd halka markii hore laga soo sheegay kiiskan cusub ee Cudurka halista ah ee Ebola, xilli ay Liberia dhawaan u dalaab-dagtay inuu cudurkaas ka dhamaaday.

Dowr qof ayaa horay loo karantiilay kaddib markii lagu arkay calaamado muujinaya cudurka Ebola lagu arkay. Inta badan dadka waxa ay xiriir la yeesheen wiil jira 17-sanno oo dhintay.

Sidoo kale, kooxdaha gurmadka ayaa baadigoob ugu jira kiisas cusub oo caabuqan ah, iyagoo sheegay inay ku kalsoon yihiin inay haystaan waxa loo baahan yahay in lagu koontaroolo cudurka oo looga hortago inuusan ku faafin Qaybaha kale ee dalkaas.

Balse halka uu ka yimid kiiskan cusub lama oga. Xukuumadda ayaa baaraysa in eey dhintay uu sababsaday cudurka iyo in kale. Iyadoo afarta bukaan ee mar kale lagu arkay cudurkan lagu daweynayo isbitaal ku yaalla magaalada Monrovia.

Ugu dambeyn, dalalka Liberia, Sierra Leone iyo Gini ayaa kusoo Warramaya inay arkeen Ttodobaadkii hore sodon kiis oo cusub oo cudurka Ebola ah ah , kaasoo sannadkan ku dilay dalkaas kuamnnaan qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya