4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 10, 2015
Xoogag ka Tirsan Al-shabaab oo Caawa Fiidkii Weeraray Hoteello ku yaalla Magaalada Muqdisho


Jimco, Luuliyo 10, 2015 (HOL) —
Ugu yaraan 10 ruux ku ayaa la aamisan yahay inay ku dhinteen Qarax iyo weerar toos ah oo lala beegsaday Maqrib-nimadii Caawa Hote Wehiye oo ku yaalla Waddada Maka Al-Mukarama ee Magaaada Muqdisho, iyadoo wararku ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay gudaha u galeen Hoteelka.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay dad deggenaa hoteeka Wehliye, iyadoo kooxo ka mid ah kuwii weerarka soo qaadayna ay ku dhinteen qaarkood weerarka. Iyadoo aan si dhab ah oo ogeyn khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca inta ay le'eg yihiin.

Inkastoo aysan jirin warar sugan oo weerarkan ku saabsan ayaa haddana waxaa weli ka dhacaya Hoteelka Wehiye rasaas xooggan oo ay geysanayaan kooxihii hubeysnaa iyo ilaaladii hoteeka oo la sheegayo inay gudaha hoteeka weli ku dhex-dagaaamayaan.

Dhanka kale, wararka ayaa intaas ku daraya in Qarax kale lagu weeraray Hoteel ku yaalla meel ku dhow Madaxtooyada Somalia, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, waxaana la xiray gabi ahaan isku socodka Waddada Muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dagaakan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda haddii ALLE ogoaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya