4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 10, 2015
Tartan Qur'aan Akhris ah oo lagu bixiyay Hadiyo Qaali ah oo lagu soo Gaba-gabeeyay Kismaayo


Jimco, Luuliyo 10, 2015 (HOL) — Tartankan qur'aan aqriska ah  oo lagu qabtay Masjidka Weyn ee Jaamacqadiim ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku loolamayay qaar kamid ah ardeyda wax ka barata dugsiyada xifdinta qur'aanka kariimka ee magaalada Kismaayo.

Tartanka oo soo bilowday 8-dii bishan ayaa lasoo gabagabeeyay maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 11-ka bisha July, waxaana lasoo bandhigay natiijada ay kala heleen ardeydii ku tartameeysa Juzaz kamid ah qur'aanka Kariimka.

Tartanka ayaa qabsoomidiisa waxaa gacan ka geysanayay maamulka Jubbaland, shirkadda isgaarsinta Hormuud, rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland iyo weliba culumaa'udiinka degmada Kismaayo.
Arrdeygii ugu horeeyay ee kaalinta 1-aad ka galay tartanka qur'aan aqriska ee 30-ka Juz oo lagu magacaabo Muscab C/rashid Max'ed ayaa waxa uu ku guuleystay Gaari nooca raaxada ah oo uu ugu deeqday madaxweeynaha maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe).

Kaalinta labaad ee tartanka 30-ka Juz ee qur'aanka ayaa waxa isna ku guuleystay ardeyga lagu magacaabo Nucmaan C/samad Max'ed kaasoo la gudoonsiiyay lacag gaareeysa $1000 (Kun Doollar).

Tartankii 15-ka Juz ee qur'aanka kariimka ayaa waxaa kaalinta 1-aad ku guuleystay C/laahi Axmed Max'ed, kaasoo la gudoonsiiyay Laptob iyo lacag dhan $250, halka kaalinta labaad ee 15-ka Juz oo uu ku guuleystay ardyeda lagu magacaabo Liibaan Mahad Siciid la gudoonsiiyay lacag gaareeysa $300.

Dhammaan ardeydii kale ee kaalimaha hore ka gashay 10-ka Juz iyo 5-ta Juz ee Qur'aanka ayaa goobtaasi lagu gudoonsiiyay hadiyado qaali ah oo ay aad ugu farxeen, waxaana jawiga goobtii lagu soo bandhigay natiijada uu ahaa mid aad u dagan dadkuna ay ku faraxsanaayeen hadiyadaha qaaliga ah ee la gudoonsiinaya ardeyda dadaalka gelisay xifdinta qur'aanka Kariimka qowlkii eebbe.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.