4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 10, 2015
ODAWAA: Dhawaan Waxaa bilaabanaysa howsha lagu soo dhisayo Maamulka Sh/Dhexe iyo Hiiraan


Jimco, Luuliyo 10, 2015 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa Sheegay in Xukuumaddu Marka laga Gudbo bisha Ramadaanka ay billaabi doonta dhismaha maamulka Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Odawaa ayaa hadalkan ka sheegay barnaamij dood ah oo manta laga sii daayay Radiyaha ku hadla afka Dowladda ee Radio Muqdisho, isagoo Xusay in socdaan wada hadallada la xiriira howlaha maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, isla markaana Qabaa’ilka, dadka Talada leh iyo Xildhibaanada Deegaanka lala hadlayo.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia ayaa intaas ku daray in maamul aan baarlamaan lahayn, dowladda iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ma ogolo, isagoo xusay in habkii lagu dhisayo maamulka Galmudug mid la mid ah ay u marayaan dhisamaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Xukuumadda Somalia waxay billaabi doontaa Ramadaanka kaddib howsha lagu dhisi doono Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Maamul aan lahayn Gole Baarlamaan Wasaaradeyda iyo Dowladda dhexe midna ma ogola, 80-maalmood ayuu nagu qaatay dhismaha maamulka Galmudug, waxaa Rajeynaynaa inaysan in intaas ka badan nagu qaadan doonin dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Odawaa ayaa intaas ku daray in sameynta maamullada ay qayb ka yihiin Aragtida Sanadka 2016-ka, isagoo xusay in Guddiga Doorashooyinka Howshiisa tahay Lix sano, wuxuuna muujiyay in sannadka 2016-ka ay dalka ka dhacayso doorasho xor ah.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa sheegay inaysan wasaaradiisa aqbalayn muranada ku saabsan Xuduudaha inay gacan ka hadal ka dhashaan, isagoo xusay wixii tabasho lagu xalin karo wadahadal, isagoo meesha ka saaray in colaado lagu laabto.

“Colaado beeleed iyo kuwo maamul marna ma qabo inay soo laabtaan, waayo waa la dhaafay xilligoodii, waa laga yaabaa in waraaqado iyo sumado ay Qolo dhibsato, muranada xuduudahana marna ma aqbali doonno inay arrimahaas gacan ka hadal ka dhashaan, dadka dhahaya 1991-kii ayaa dib loogo noqonayaa, dowladdu marna ma ogolaan doonto arrintaas,” ayuu yiri hadalkiisa ku daray Wasiirku.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia ayaa dhawaan ku Guuleysatay maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud, kaasoo 04-tii bishan doorasho ka dhacday degmada Cadaado Madaxweyne lagu doortay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkan cusub.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya