4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 10, 2015
SAWIRRO: Hay’adda ZAMZAM Foundation oo Gargaar ka qaybisay Hargeysa, Qardho, Boosaaso iyo Muqdisho


Jimco, Luuliyo 10, 2015 (HOL) — Hay’ada Zamzam Foundation oo ka howlgasha Geeska Afrika ayaa ka qayb-qadanaysa gargaarka loo fidiyay Qoxootigii kasoo Cararaya colaadaha ka socda Waddanka Yeman.

Hay’addu waxay kaalmooyinkan gaariisay Qaxootiga Yemen  ee ku sugan, magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho ee Puntland iyo magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland.

Qoxootiga ku kala Sugan Magaalooyinka Boosaaso iyo Hargeysa ayaa 1000-qof oo ka mid ah waxaa la gaarsiiyay Rashin ka kooban Bur, Bariis, Sokor, Saliid iyo Caana Boore.

Sidoo kale, Hay’adda Zamzam Foundation ayaa ka Furtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Qardho Goobo lagu Nafaqeeyo Carruurta iyo dadka Waayeelka ah ee itaalka darrada.

Waxay kaloo Hay’addu u Qaybisay Qoxootiga Yeman ee ku Sugan Hargeysa Maacuunta Raashinka lagu Karsado. Iyadoo sheegtay inay xilliyada soo socda gaarsiinayso maacuun Qoxootiga ku sugan magaalada Qardho

Dhanka kale, Hay’adda Zamzam Foundation waxay Gaarsiisay Rashiin ay ugu talo-gashay in Bisha Ramadaan ay ku afuraan 4,000 oo Qoys oo danyar ah oo ku nool Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, hay’addu waxay 1,000 qof oo ka mid ah Carruurta Agoonta ah oo ay Hay’adda Zamzam Gacanta ku hayso u qaybisay dharkii ay ku ciidi lahaayeen, si ay farxadda ula Qaybsadaan Carruurta kale ee Qayrkood ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya