4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 10, 2015
Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo soo saaray baaq eedeyna u Jeediyay Madaxwyene Siilaanyo


Jimco, Luuliyo 10, 2015 (HOL) — Labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland ayaa Farriin u diray madaxweynaha ay kaga dalbanayaan inuu Dhaqan-galiyo Heshiishkii Xisbiyada iyo xukuumaddu ka gaadheen wakhtiga doorashaddu dhacayso.

Xisbiyadda mucaaradka ayaa sheegay in haddii uu Madaxweynuhu Heshiishkaasi dhaqan-galin waayo labadda xisbi talo Qaran ka yeelan doonaan sidii ay Somalialnd uga badbaadin lahaayeen madaxweynaha.

“Nabadda  iyo dimuqraadiyadda Somaliland waxa khatar iyo dib-u-dhac ku ah rabitaanka madaxweynaha, iyo xubno xukuumaddiisa ka tirsan oo ah in aan doorasho dalka kadhicin. Sidaa darteed, waxay labada Xisbi-mucaarid mawqif midaysan kaqaateen heshiisyadda ma-dhalayska ah ee xukuumaddu saxeexdo”ayey ka soo saareen labada xisbi mucaarad, waxanay madaxweynaha u direen fariin ku saabsan inuu tixgaliyo heshiishkii ay wada gaadheen.

“Haddaba waxaa 5-tii, bishan Juulay 2015ka kulan ay labada Xisbi ee UCID iyo WADANI kuyeesheen Hotel Ambassador oo ay goob-joog ahaayeen labada Guddoomiye ee labada Xisbi Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro) kaga doodeen arrimaha siyaasadda, nabad-gelyada iyo bulshada ee Somaliland, gaar ahaan heshiiskii ay wada-galeen xukuumadda iyo saddexda xisbi qaran 27-kii May 2015-ka; ee welina laga sugayo xafiiska madaxweynaha”ayey raaciyeen qoraalkoodda.

Labadda xisbi mucaarad WADANI iyo UCID waxay soo saareen go’aankan:

1. Iyaga oo tix-geliyey amniga qaranka, dhawrayana karaamadda ummadda
2. Iyaga oo tix-geliyey deggenaashaha iyo xasilloonida Dalka,
3. Iyaga oo tix-geliyey bisha Ramadaan ee lagu jiro,
4. Iyaga oo tix-geliyey muddada dheer ee laga sugayey xukuumadda inay fuliso heshiiska,

Innay baaq kama danbaysa u dirayaan Madaxweynaha:

A. In Madaxweynuhu fuliyo heshiiska saddexda xisbi iyo xukuumadda ee lagu wada galay madaxtooyadda 27-kii May 2015-ka.
B. In Madaxweynuhu isaga oo xurmeynaya heshiiska saddexda xisbi iyo xukuumadda, tixgelinayana danta qaranka in uu digreeto ku soo saaro heshiiskii la-wadda-galay, ka hor 20/7/2015-ka,
C. In haddi aannu madaxweynuhu fullin heshiiska soona saarin Degreeto heshiiskii la wada-galay inay isbahaysiga mucaaridku isugu iman doonaan talo dalka lagu badbaadinayo Qaranimada Somaliland  21-26 July 2015ka.

Si kasta ha ahaatee, xisbiyadda mucaaradka ah iyo xukuumadda ayaa isku mari la dhaqan gelinta heshiishkii laga gaadhay wakhtiga doorashaddu dhacayso, waxaanu weli golaha Guurtiddu ku adkaysanayaa go’aankooddii hore, haseyeeshee xisbiga taladda haya oo u jawaabay mucaaradka aya sheegay inay doonayaan inay heshiishkan la wada gaadhay la waafajiyo sharciga, isla markaana golaha Guurtidda looga dhaadhicin lahaa sidii heshiish-kan ugu salayn lahaayeen muddo kordhinta ay sameeyeen.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland