4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 9 , 2015
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Dalalka IGAD oo Maanta soo Gaaray Muqdisho (SAWIRRO+COD)


Jimco, Janaayo 09, 2015 (HOL) — Wasiirrada arrimaha dibadda waddamada IGAD ayaa intooda badan waxay gellinkii dambe ee maanta soo gaareen Muqdisho, iyadoo ammaanka garoonka iyo waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho si aad ah loo adkeeyay.

Wasiirrada waddamada Bariga Afrika ee gellinkii dambe ee maanta soo gaaray Muqdisho waxaa ka mid ah; wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Dr. Tedros Adhanom, wasiiradda arrimaha dibadda Kenya, Aamina Maxamed, kuwa Sudan, Uganda iyo Koonfurta Sudan. Waxaa kaloo wehliyay wasiirradan xogyahaha guud ee urur-goboleedka IGAD, Maxbuub Macallin.

Dalalka IGAD ayaa waxaa berri oo Sabti ah uu shir uga furmayaa Muqdisho iyadoo saaka uu Muqdisho soo gaaray wasiirka arrimaha dibadda dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Shirka dalalka IGAD ay ku yeelanayaan Muqdisho oo ah kii 53-aad ayaa lagu wadaa inuu berri ka furmo caasimadda Soomaaliya, iyadoo la filayo inuu furo madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

DHAGEYSO: SHIRKA JARAA'ID EE WASIIRRADA WADDAMADA IGAD 

Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya, Dr .Tedros Adhanom, xoghayaha guud ururka IGAD, Maxbuub Macalin iyo sii hayaha xilka wasaaradda arrimaha dibadda Somalia, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay.

Bayle ayaa sheegay in shirkii ugu dambeeyay ee IGAD oo Muqdisho lagu qabtay uu 1985-kii ka dhacay, kaasoo uu xusay inuu ahaa mid ay isugu yimaadeen xoghayahaasha guud ee dallaka ururka ku bahoobay, laakiin midkan waa mid ay yeelanayaan wasiirrada arrimaha dibadda dalalka IGAD, sharaf weyn ayayna Soomaaliya u tahay.

Dr. Tedros Adhanom oo isna shirka jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay in wasiirrada maanta soo gaaray Muqdisho ay ka kooban yihiin; Itoobiya, Kenya, Uganda, Koonfurta Sudan iyo Suudaan, ayna ku faraxsan yihiin inay shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Muqdisho.

“Waxaan ku faraxsanahay in xubnaha dalalka IGAD ay yimadaan Somalia ayna ka qayb-galaan shirka taariikhiga ah ee berri ka furmaya Muqdisho. IGAD iyo Beesha Caalamka oo dhan waxay bogaadinaynaa horumarka ay ku tallaabsatay Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya.

Ugu dambeyn, Dr. Tedros oo ka hadlayay qodobbada shirka wasiirrada IGAD looga hadli doono ayaa sheegay inay ka mid yihiin; horumarka ay Somalia gaartay iyo sidii lagu gaari lahaa hiigsiga cusub ee 2016-ka, isagoo xusay in IGAD ay taageerayso sidii ay doorasho uga dhici lahayd Soomaaliya xilligii loogu talo-galay.

Si kastaba ha ahaatee, shirka IGAD ay ku yeelanayaan Muqdisho ee xarunta Somalia ayaa ah kii ugu horreeya oo ay magaalada Muqdisho ku yeeshaan tan iyo sannadkii 1985-kii oo ay dalka ka talinaysay dowladdii milateriga ahayd ee la riday sannadkii 1991-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya