4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 9 , 2015
Gaas oo ka Hadlay Waxqabadkii Xukuumadiisa Sanadkii ay jirtay (SAWIRRO)


Jimco, Janaayo 09, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo xalay munaasabad lagu xusayay sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii la doortay oo madaxtooyada Puntland ee Garoowe lagu qabtay ayaa khudbad uu ka jeediyay kaga hadlay wax-qabadkii xukuumaddiisa.

Xafladda waxaa goob-joog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi X. Cumar (Camey), masuuliyiinta golayaasha Puntland, madaxweynihii hore ee Puntland, Jen. Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse), madax ka socotay beesha caalamka, xubno ka socda Itoobiya iyo weliba qaybaha bulshada.

Fannaanka Axmed Naaji Sacad oo ayaa xalay ka qaaday munaasabadda heeso aad u qiimo badan, iyadoo sidoo kalena ay kusoo bandhigeen xafladda majaalillo kala duwan qaar ka mid ah majaajiliistayaasha Soomaaliyeed.

C/weli Gaas oo gunaanadkii munaasibada khudbad ka jeediyay ayaa kaga hadlay inteeda badan wax-qabadka xukuumaddiisa, isagoo sheegay inay ka go’an tahay xukuumaddiisa inay wax ka qabato horumarka Puntland.

”Waxaan rabaa in wax-qabadkeenna ugu horreeya aan ka dhigno sidii aan ku dhameystiri lahayn wixii aanu bilownay 2014-kii oo ay ugu horreeyaan isbadalkii aanu ku samayno shaqaalaha dawladda, ujeeddadana waa inaan salka u dhigno dowladnimada dalka,” ayuu yiri madaxweyne C/weli Gaas.

DHAGEYSO: Khudbaddii uu jeediyay Madaxweyaha Puntland, C/weli Gaas

Sidoo kale, wuxuu intaa ku daray. ”Waxaa lagama maarmaan ah in aanu helno shaqaale dowladeed oo sax ah, tiradooduna iyo noocyadooduba ay sax yihiin, qofka saxda ahina uu joogo booskii saxda ahaa, taasna waa mid u baahan howl-karnimo.”

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in hadda meel wanaagsan ay marayaan imtixaannadii laga qaaday agaasimayaasha wasaaradaha Puntland ka howl-geli doono; haddii Alle idmana lasoo gunaanadi doono sanadkan gudihiisa si loo hagaajiyo dhismaha maamulka iyo shaqaale ee dhammaan wasaaradaha Puntland.

”Waxaan iyana dhamaystiraynaa is-bedelka ciidamada oo ay ugu horreyso in tababarro fiican loona dhamaytiro agabkooda, samaynta ciidamada waxay ku saleysnaan doonaan kuwo ka maran qabiil iyo askari aan sumad lahayn,” ayuu hadalkiisa ku daray Gaas oo intaas ku daray in ciidanka ay doonayaan uu yahay mid difaaci kara Puntland gudo iyo dibad.

Mar uu dhaqaalaha Puntland ka hadlayay C/weli Gaas ayaa intaas ku daray. ”Waxaan rabnaa inaanu soo af-jarno dhibaatada dhaqaale ee jirta, waxaana arrintaas wax looga qaban karaa inaanu kor u qaadno daqligeena iyo inaanu beekhaamino dhaqaalaheenna.”

”Waxaan kaloo idiin ballan-qaadayaa in dowladdu ay la dagaalanto musuq-maasuqa, waxaan samaynaynaa in dadka laftoodu ay awood u helaan inay noqdaan kuwa ilaaliya soona gudbiyana wixii ay arkaan, meel aad soo wac-daan ayaana idiin sameynaynaa, taasoo qofku markuu arko musuq-maasuq uu u sheegi karo dowladda, waayo idinka ayaa arki kara khaladaadka jira,” ayuu mar kale yiri C/weli Gaas.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in deegaannada ku jira Puntland uu ku jiro shidaal fara badan dhawaanna ay lasoo bixi doonaan, isagoo carrabka ku adkeeyay inaysan jirin cid ka hor istaagi karta Puntland inay khayraadkeeda lasoo baxdo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya