4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 9 , 2015
Kanada oo Sheegtay in Dagaalyahan lagu dilay Muqdisho uu ku koray Canada


Jimco, Janaayo 09, 2015 (HOL) — Sir-doonka dalka Canada ayaa sheegay in mid ka mid ah kooxihii weeraray xarunta maxkamadda gobolka Banaadir bishii Abriiil 2013-kii oo ka soo muuqday filim dacaayad ah oo ay baahisay Al-shabaab uu haysto dhalashada Canada.

Wargeyska National Post ee kasoo baxa Toronto ayaa lagu sheegay in wiilkan Mahad Cali Dhoorre lagu magacaabo uuna ahaa xilligaas 25-jir ku koray dalka Canada kaddib markii qoyskiisa oo qoxooti ay halkaas geeyeen isagoo sagaal jir ah, isla markaana uu Al-shabaab ku biiray sannadkii 2009-kii xilligaasoo uu ka tagay Canada.

Dhoorre ayay sirdoonku sheegeen inuu dhiganayay jaamacadda York ee ku taalla Toronto, isagoo fasax ku aaday Kenya ka hor intii uusan Al-shabaab ku biirin. Waxayna intas ku daraeen inuu ka mid ahaa xubnihii Al-shabaab ee lagu dilay weerarkii lagu qaaday xarunta maxkamaduhu ay ku shaqeeyaan ee magaalada Muqdisho

“Waxaan doonayaa inaan la hadlo dadka walaalahay ah ee dalalka galbeedka ku nool, waxaana u sheegayaa inay u dagaalamayaan Illaahay dartiis oo ay ka soo tagaan dhal-dhalaalka ay ku nool yihiin,” ayuu Dhoorre ku yiri filimka ay Al-shabaab soo bandhigtay, isagoo gacanta midig ku haysta bastoolad.

Booliiska Canada ayaa sheegay inay su’aalo ku saabsan wiilkan dhalashada Canada haysta weydiinayaan ehelladiisa, kaasoo ay sheegeen inuu ka mid yahay raggii weeraray Maxkamadda gobolka Banaadir bishii Abriil 2013-kii.

Xoogaggii Al-shabaab ee weeraray maxkamadaha gobolka Banaadir ayaa dhammaantood lagu dilay weerarkaas, iyagoo intii aanay geeriyoon dilay daraasiin dad ah oo ay ku jiraan shaqaalihii maxkamadahaas ka howlgalayay qaarkood.

Dhoorre oo Al-shabaab ay u yeeri jireen Farxaan ayaa cajalada dacaayadda ahayd wuxuu ku sheegay inuu doonayo inuu fuliyo howlgal uu ugu adeegayo Ilaahay, isagoo Illaahay ka baryay inuu u fududeeyo wuxuu doonayo.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Canada oo ay ku nool yihiin boqollaal kun oo Somali ah ayay sirdoonka Canada sheegeen in tiro fara badan oo ka mid ah ay ku biireen Al-shabaab iyo kooxda Islaamiga ah ee ISIS ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Siiriya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya