4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 9 , 2015
Madaxweynaha Somalia oo Sheegay inay la-dagaallamayaan Musuq-Maasuqa


Jimco, Janaayo 09, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday inay dowladdiisu xoogga saarayaan la-dagaalanka musuqmaasuqa sannadkan 2015-ka, isagoo raaciyay in si baahsan uu musuqmaasuqu u hareeyay hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay xalay xaflad lagu xusay aasaaskii ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay, wuxuuna hadalkiisa ku daray in wixii maanta ka dambeeya aanay duqaad u yeelan doonin Musuq-maasuqa.

“Sannadkan waa sannadkii la-dagaalanka musuq-maasuqa, dulqaadna uma yeelan doonno. 2015-ka lama ogolaan doono ku takri-falka hantida Qaranka, haddii ay ahaan lahayd dhul, xafiisyada dowladda iyo shaqaalahana,” ayuu ku yiri hadalkiisa madaxweyne Xasan.

Isagoo sii hadlaya ayuu madaxweyne Xasan hadalkiisa ku daray in xukuumadda maalmaha nagu soo fool-leh la magacaabi doono golaha wasiirada, isla markaana aan laga aqbalayn wasiirrada cusub inay shaqaale cusub u qortaan xafiisyadooda, lana eryi karin shaqaalihii horay uga shaqeynayya xafiisyada dowladda.

“Ma ahan mid suuro-gal ah in wasiir walba oo lasoo magacaabo uu shaqaale ka dhigo dad ay isku jufo yihiin, shaqaalihii horena la eryo. Shaqo dowladeed waxay ku timaadaa tartan, marka waxaa u xaqiijinaya dhallinyarada wax ku bartay dalka in aqoon lagu heli doono shaqaalenimada dowladda,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya uu xalay jeediyay ayaa kusoo aadaya xili dhawaan uu Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir uu sheegay in 19-wasaaradood iyo saddex hay’adood oo kuwa dowladda ka tirsan lagu helay musuq-maasuq baahsan, ayna ku takri-faleen howlaha dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa waxay kaalimaha hoose ka gashay sannadkii lasoo dhaafayay dalalka caalamka ee uu ka jiro musuq-maasuqa baahsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya