4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 9 , 2015
Olole lagu cirib-tirayo geedka Garan-waaga oo ka billowday dooxada Dhumay


Jimco, Janaayo 09, 2015 (HOL) — Olole lagu baabi’inayo geedka Garan-waaga ama Cali-garoobka loo yaqaan ayaa ka billowday dooxada Dhumay oo degmada Taleex ee gobolka Sool dhinaca Koonfureed kaga began 40-km.

Ololahan oo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan dadweynaha degmada Taleex ayaa loogu talo-galay in bilaha soo socda dooxada Dhummay looga cirib-tiro geedkan oo qabsaday dhul baaxaddiisu tahay 10-km oo wareeg ah.

Sheekh Siciid Axmed Cadar ayaa sheegay in dhaqaalaha ay hayaan uu ka yahay ololahan billow ayna rajeynayaan in taakulo ay ka heli doonaan dadka deegaanka iyo ummadda Soomaaliyeed.

Maryan Cumar Cawil oo iyaduna ka socotay hay’adda ADESO ee ka shaqeysa daryeelka deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweysay hawsha ay dadku isku xilqaameen waxayna ballan-qaadday inay la socodsiin doonto madaxda haya’ada ay ka tirsan yahay howshan socota si gacan looga siiyo shacabka deegaankaas ku nool.

Tallaabadan ayaa ujeedadeedu tahay in geesaha laga soo ururiyo geedkan si xiliga danbe la isugu yimaado bartanka dooxada oo la sheegay inay aad iyo aad u adag tahay sidii wax looga qaban lahaa; iyadoo geedkaas ay ku hoos nool yihiin masas iyo abeesooyin aad u waaweyn iyo xayawaano kale oo khatar gelin kara dadka hawsha wada.

Xasan Maxamed Cali ayaa HOL u sheegay in gudaha dooxada aan muddo shan sanadood ah cidi gaarin xoolaha galana aan laga daba-tegin, ayna adag tahay inay xoolo gala kasoo laabtaan iyagoo bad-qaba, waxayna nagu kaliftay buu yiri inaan ka ilaalino in xooluhu aadaan dhulka geedkan uu ku baxay.

Ugu dambeyn, Dr. Axmed Maxamed Xasan oo ah khabiir dhinaca beeraha ah ayaa sheegay in hawshan ay ka bixi karaan shirkado weyn oo agabkoodu u dhan yahay, wuxuuna talo ahaan u soo jeediyay in lagu ekaado soo ururinta kuwa filiqsan dooxada dacalladeeda ah.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool