4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 9 , 2015
Wasiirka Arimaha Dibadda dalka Jabuuti oo Muqdisho soo gaaray (SAWIRRO)


Jimco, Janaayo 09, 2015 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo qayb ka ah xubnaha IGAD ee shirka ka qaybgalaya.

Yuusuf oo noqonaya wasiirkii ugu horreeyay oo ka socda IGAD oo Muqdisho soo gaaraya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kaga hortagay xubno uu horkacayo sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle.

Sidoo kale, waxaa la filayaa inay isla maanta soo gaaraan Muqdisho wasiiro kale oo ka socda IGAD, kuwaasoo ay ka mid yihiin kuwa, Uganda, Itoobiya, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo dalka Suudaan, kuwaasoo dhammaantood ka qaybgalaya shirka Muqdisho uga furmaya IGAD.

Kulanka oo berri oo Sabti ah furmaya ayaa la sheegay inuu noqonayo kii 53-aad ee ay yeeshaan wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD, waxaana shirkan intiisa badan looga hadli doono arrimaha Somalia, sida siyaasadda, amniga iyo dib u heshiisiinta.

Waa markii ugu horreysay oo wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD ay dalka ku yeeshaan mid ka mid ah kulammadooda caadiga ah tan iyo markii ay dhacday dowladdii milateriga ahayd ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu caawa wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD u sameeyo casho-sharaf, iyadoo tani ay ka mid tahay soo dhaweynta ay dowladd Soomaaliya ugu talo-gashay wsiirrada arrimaha dibadda IGAD ee Muqdisho imaanaya.

Shirka dalalka IGAD ayaa wuxuu ka dhici doonaa hoteel lagu magacaabo SYL oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, kasaoo dhawaan la dhisay, iyadoo amniga waddooyinka gala hoteelkaas aad loo adkeeyay. Waxaana shirka furi doona madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya